Koonfur Afrika oo Doonaysa inay Xannibto Xaraashka Alaab uu Lahaa Nelson Mandela

0
82

Dowladda Koonfur Afrika ayaa isku dayaysa in ay joojiso xaraashka 70 shay oo ka mid ah alaab uu gaar u lahaa halyeygii ka soo horjeeday midab-takoorka Nelson Mandela.

Waxaa ka mid ah qalabka maqalka caawiya oo uu isticmaali jiray, kaadhkii aqoonsiga, hadyado ay hore u siiyeen madaxda caalamka iyo qaar ka mid ah dharkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee dimuquraadi ah, sida shaadhkiisa loo yaqaanay “Madiba”.

Inantiisa curad, Makaziwe Mandela, ayaa alaabta ku xaraashaysa Maraykanka. Balse dowladda Koonfur Afrika waxay sheegtay in walxahaasi ay leeyihiin qaranka. Sida uu qabo sharciga dalka, waxyaabaha loo arko inay yihiin dhaxal qaran lagama qaadi karo Koonfur Afrika.

Hay’adda Kheyraadka Dhaxalka ee Koonfur Afrika (Sahra) oo ah hay’ad dowladeed oo loo xilsaaray ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay gudbisay rafcaan ay ku joojinayso iibka.

Codsiga waxaa taageeray wasaaradda isboortiga, farshaxanka iyo dhaqanka. Wasiir Zizi Kodwa ayaa sheegay in ay u taageerayaan kiiska “si loo ilaaliyo dhaxalka hodanka ah ee dalka”.

Waxa uu intaa ku daray in xannibaadda iibka ay lama huraan tahay maadaama Mandela “uu muhiim u yahay dhaxalka Koonfur Afrika”.

“Sidaa darteed waa muhiim inaan ilaalino dhaxalkii Madaxweynihii hore ee Mandela oo aan hubinno in waaya-aragnimadiisa shaqo ee noloshiisa ay ku sii jirto dalka jiilasha soo socda.”

Dawladdu waxay ka hortimid xaraashka markii ugu horreysay ee lagu dhawaaqay 2021, iyada oo ku doodday in qaar ka mid ah waxyaabaha la soo jeediyay in la iibiyo ay yihiin agabka qaranka.

Natiijo ahaan, xaraashkii billowga ahaa, oo qorshuhu ahaa 2022, waa la joojiyay, waxaana bilaabmay dagaal sharci oo laba sano ah.

Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Sare ee Pretoria ayaa ugu dambeyntii siisay Ms Mandela in ay iibiso alaabta, iyada oo ku doodday dooda dowladda ee ah in ay yihiin kuwo dhaxal ah.

Mr Kodwa hadda waxa uu leeyahay xaraashku waa in aanu sii socon iyada oo Sahra iyo wasaaradda dhaqanka bishii hore gudbiyay codsi ah in ay rafcaan ka qaataan xukunka, iyaga oo u daliishanaya in aan alaabtan loo ogolayn “Dhoofinta ama iibinta”.

Xaraashka ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo 22-ka January, balse ma cadda in racfaanka dowladdu uu joojin doonto.

Alaabta waxaa horeyba loogu war geliyey iibka alaabtan guriga xaraashka ee Guernsey ee fadhigiisu yahay New York . Waxa la sheegay in qalabka gargaarka maqalka, tusaale ahaan waxa uu keeni karu ilaa $20,000 (£16,000) hal shaadhna waxa laga yaabaa in lagu iibiyo ilaa $70,000.

Ms Mandela kama aanay jawaabin mucaaradkii ugu dambeeyay ee dowladda sidoo kale kama aanay jawaabin xubnaha kale ee qoyska Mandela iyo Nelson Mandela Foundation.

Waxay hore u sheegtay in lacagta ka soo baxda xaraashka ay u gudbi doonto samaynta beer xusuuseed oo lagu maamuusayo Mandela, oo u dhow goobta uu ku aasan yahay.

Xaraashka la qorsheeyay ayaa duufaan ka dhaliyay Koonfur Afrika iyada oo dadka qaarkiis ay sheegeen in dowladdu aanay joojin iibinta alaabaha aan qiimaha lahayn.

Laakiin qaar kale ayaa aaminsan in arrinta loo daayo qoyska Mandela.

Mandela waxa uu dhintay 2013-kii isaga oo 95 jir ah. Waxa uu hoggaaminayay Congress-ka Qaranka Afrika ee halgankii uu kula jiray midab-takoorka – oo ahaa nidaam si sharci ah loo dhaqan geliyay midab-takoorka – waxa uu 27 sano ku qaatay xabsiga.

Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto Koonfur Afrika 1994-tii.