Diyaarad ayaa ka noqotay duulimaadkii ka dib markii nin sakhraansani uu qaniinay xubin ka mid ah shaqaalihii diyaaradda

0
136

Diyaarad ay leedahay shirkadda ANA oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa lagu qasbay in ay ku laabato Tokyo ka dib markii nin ka mid ah rakaabka oo sakhraansan uu qaniinay mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

Ninkan oo la sheegay inuu ahaa 55 jir Maraykan ah, ayaa “aad u sakhraansanaa markii uu gacanta ka qaniinay mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada, isaga oo dhaawac fudud ka soo gaadhay, sida uu afhayeen u hadlay shirkaddaas u sheegay AFP.

Waa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee taxane ahaa oo saameeyay duulimaadyada Japan.

Diyaaradda oo sida la sheegay ay saarnaayeen 159 rakaab ah, ayaa markii uu shilku dhacay waxay dul mareysay Badweynta Baasifigga, taas oo keentay in duuliyayaashii diyaaradda ay dib ugu laabtaan Garoonka Diyaaradaha ee Haneda ee Magaalada Tokyo.

Halkaa ayaa ninka lagu wareejiyay booliska, sida ay shirkaddu sheegtay.

Waa dhacdadii labaad ee saameyn ku yeelata ANA maalmihii la soo dhaafay – iyo tii shanaad ee ku lug leh warshadaha duulista ee Japan muddo toddobaadyo gudahood ah.

Sabtidii, duulimaadka gudaha ee ANA ee Japan ayaa ku qasbanaaday inuu dib u soo laabto ka dib markii dillaac laga helay daaqadda diyaaradda.

Dilaaca ayaa ka soo muuqday afarta lakab ee daaqada ee ku hareeraysan qolka diyaarada, mana jiraan wax dhaawac ah oo soo gaadhay diyaaradda.

Dhacdooyinkii ugu cuslaa ee dhawaanahan dhacay ayaa ka dhacay Haneda 2dii January, markaas oo diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Japan ay ku dhacday diyaarad yar oo ilaalada xeebaha ah.

Dhammaan 379-kii qof ee saarnaa diyaaradda rakaabka ayaa baxsaday ka hor inta aysan dabka ku gubin, laakiin shan ka mid ah lixdii qof ee saarnaa diyaaradda yar – oo gargaar siineysay ka dib dhulgariir weyn oo ku dhuftay bartamaha Japan – ayaa dhintay.

Talaadadii, diyaarad ay leeyihiin Korean Air iyo Cathay Pacific ayaa baalasha ka gooyay gegida dayuuradaha ee jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga Japan iyada oo ay jirto xaalad qabow. Ma jiraan wax dhaawac ah.