Innagoo laba dawladood ah oo ay Itoobiya Aqoonsatay Somaliland ayey heshiiska Saxeexaynaa” Madaxweynaha Somaliland

0
182
  • Anigu Tartan diyaar baan u ahay haddii la iga helana si xarago leh ayaan u wareejinayaa, WADDANI-na…”

 Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa caddeeyay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay labada dal mar qalinka ku wada duugayaan fulinta heshiiska iyo aqoonsiga Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay waraysi dheer oo uu xalay siiyay Telefishanka Qaranka, waxa kale oo uu kaga hadlay cadaawada Soomaaliya ay u qabto Somaliland, Arrimaha Doorashooyinka iyo xeerka dib ugu celiyay Guurtida.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu ka jawaabay  hanjabaado ka soo yeedhay Madaxweynaha Masar. Waraysigaasi oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:-

 

SU’AAL: Madaxweyne waxaan mar kale hore jeclaan lahaa inaad warbixin naga siiso isfahamka heshiis ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya?

JAWAAB:  Heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ahaa heshiis ku saabsan danaha labada dal. Madaxweyne kastaa danta dadkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo dadka ugu tirada badan ee Geeska Afrika ku nool yihiin, dhaqaalihiisuna uu aad u koraayo. Sidaas darteed, waynu ognahay inay muddadba ku taamaysay inay hesho deked.

Somalilandna muddo dhawr iyo soddon sannadood ah waxay raadinaysay ictiraaf. Markaa markii aanu wadahadalnay isaguna (Abiy Ahmed) bad buu u baahday annaguna ictiraaf taas ayuu ku fadhiyaa heshiiska isfahamka ah in ciidankooda badda laga kireeyo saldhig badda ah oo ay degaan, Itoobiyana ay noqoto dalkii u horreeyay ee Somaliland ictiraafa labadaas qoddobna ay mar wada dhacaan, labadaas qoddob ayaa saldhig u ah heshiiska wixii kale waa iskaashi badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isbeddelka cimilada.

SU’AAL: Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay xukumaan baddaha Somaliland oo dhan, arrintaas maxaad ka leedahay Madaxweyne?

JAWAAB: Arrintaa waxaan ka qabaa iyaguna (Soomaaliya) way ogyihiin, adduunkuna wuu ogyahay illaa 1991kii markii dawladdii lixdankii lagu midoobay ay duntay Somaliland gaar bay dawladeedii u dhisatay, iyaguna (Soomaaliya) gaar bay u dhisteen. Markaa waxba iskuguma keen jiraan oo dawladoodu waa mid baarlamaaniya, innaguna Somaliland waxaynu nahay madaxweynenimo. Laba baarlamaan baynu kala leenahay iyo laba dastuur.

Markaa adduunyadana waynu la kala macaamilaa oo markaa meel ay ka soo geli karaan ma jirto, laakiin berri baa la midoobay oo annaguu adduunku na ictiraafay intaas ayay adduunka ka iibiyaan, laakiin Somaliland  shaqo kuma laha, xoog ay ku yimaadaanna maanta ma hayaan.

SU’AAL: Madaxweyne waxa nagu maqaalo ah in markii aad Xasan Sheekh isku aragteen Jabuuti ka hor intii aad tagin Itoobiya inuu ogolaa inaad ahaydeen laba dal oo sannadkii 19960kii  midoobay arrintaas maxaa ka jira?

JAWAAB: Taariikhdaas ciddi ma diido isaga uun maaha ee qof waliba wuu ogyahay, laakiin isagu (Xasan Sheekh) wuxuu taagan yahay waa tii la midoobay oo dalkii uun baa la ahaanayaa, annaguna (Somaliland) waxaynu leenahay waa tii duntay ee ninba dhinac u dhaqaaqay murankuna waa intaas uun.

  • SU’AAL: Madaxweynaha Masar wuxuu jeediyay hadallo hanjabaad ah iyo jaamacadda Carabtuba, sidee ayay arrintaasi u saamaynaysaa Somaliland?
  • JAWAAB: Golaha Carabtu qaraar buu soo saaray, Siisi (Madaxweynaha Masar) waan difaacayaa ayuu yidhi xuduudaha Soomaaliya. Xudduudaha Soomaaliya iyo midnimada ay sheegayaan labada qaraarba haddii si sharciyan ah loo eego waa kuwee dhammaantood waxay ogyihiin oo xeerka midowga Afrikana ku fadhiyaa inay Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika intooda badan ee ku sallaysan xudduudihii isticmaarku ka tagay oo Masarna ka mid tahay dalalkii saxeexay. Dawladaha carbeedna intii markaa xorta ahaa arrintaas way ogyihiin. Waxa isweydiin leh xudduuda la difaacayo ee Soomaaliya waa tee? Jimciyada Carabtu intay dagaal ka fog u soo qaanshiiranayaan oo ay leeyihiin waanu difaacaynaa Soomaaliya. Miyay Falastiin waxa ku dhacay wax ka taraan ee agtooda ku taalla.
  • Dawladihii carbeed xataa waxay kari waayeen inta ay South Afrika tartay ee ay dacwada horgaysay maxkamadda sare ee adduunka, iyaguna intaas way ku dhici waayeen. Marka ay xudduudaha Soomaaliya ka hadlayaan, miyaynu ku jirtaa Somaliland, ma waxay ka hadlayaan xudduudihii Talyaaniga ilayn way ogyihiin in la dumay oo la kala tagay 1991kii jaamacadda carabtu iyagaa maalgeliyay Soomaaliya oo is yidhi heshiisiiya oo u taag waayay.
  • Haddii dhinaca ciidanka laga eegana waxa ka dhacaya Rafax ayaa u baahan hiil. Somaliland iyo Soomaaliya wixii ka dhexeeyaana labadooda ayay u taallaa, markaa waxaan u mallaynayaa inay iska tahay faan.

 

  • SU’AAL: Madaxweyne heshiiskan Somaliland iyo Itoobiya weli dad badan ayaan aad u fahamsanayn, tusaale ganacsataddu waxay aaminsan yihiin in ganacsigoodii ay ku imanayso waxyeelo, arrintaas ayaan doonayaa inaad bayaamiso?
  • JAWAAB: Arrintaasi nin is diidsiinaya mooyaane way cadahay, waxa saldhig laga kiraynayaa ciidammada badda ee Itoobiya. Baayacmusharkeenna, kastamadeenna iyo dekedda Somaliland baa leh, taasi ma soo dhexgeli karto kumana jirto. Waxa loo heshiinayaa waa in Itoobiya wixii ay la soo degayso iyo wixii ay dhoofinaysaaba ay maraan dekedda Berbera.
  • Saldhigaa wax baayac mushtar ah iyo allaab ka soo degaysaa ma jirto. Markaa waxaan filayaa qoladaas diidan heshiiska ee Soomaaliya warkooda uun baa ina soo gaadhaye arrintu way cadahay. Dad baa yidhaahda gaallo ayaa ina qabsanaysa, Soomaalida Itoobiya degani tiro ahaan waa qowmiyadda saddexaad Axmaarada iyo Oromada uun baa ka badan. Waad arkaysaa labaatankii sannadood ee la soo dhaafay horumarka uu gaadhay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidan yar oo aynu xeebteenna soo dejina ayaa ina gaalaynaya cidda lihina waa caqliga xagjirka.
  • Dekedaha Geeskuna waxay maanta u jihaysan yihiin sida suuqa ugu badan looga qaadanayo Itoobiya dekedaha ay u baahan tahay. Dekadaha Suudaan, Kenya iyo Jabuuti waxa loo baratamayaa in cid waliba qaybta u weyn ka qaadato. Markaa waxaan leeyahay wax baa innooga soo kordhaya weyn oo ganacsi iyo isu soo dhawaansho ah. Dekedda intaas leeg waxaynu u dhisanay Itoobiya heshiiskuna waa inuu taas wax ka taraa.
  • SU’AAL: Madaxweyne heshiisku ma wuxuu hano-qaadayaa iyadoo Itoobiya ay dal madax-bannaan u aqoonsan tahay Somaliland?
  • JAWAAB: Haa, mar baa lagu wada dhawaaqayaa heshiiska la wada saxeexayo ee rasmiga ah waxa ku qoran Somaliland waanu aqoonsan nahay isku goob ayaana lagu wada qorayaa. Markaa heshiiska dal walba waa in uu wixiisa helaa, innagoo laba dawladood ah ayaynu heshiiska saxeexaynaa.
  • SU’AAL: Heshiisyadii ay wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya, dhammaantood way ka baxday Soomaaliya, heshiisyadaas wax ma nooga sheegi kartaa madaxweyne?
  • JAWAAB: Way badnaayeen, ta inta badan laga hadlaana waa hawada sida loo wada maamulayo dhaqaalaheeda. Markii ICAO laga soo wareejinayay Somaliland iyo Soomaaliya waxay heshiis ku saxeexeen aynu kala soo wareegno ICAO oo innagu aynu qaybsano. Halkaas Somaliland baa khaldantay ciddii markaa joogtayba ilduuftay, waayo  Soomaaliya ictiraaf ayay haysatay. Markuu heshiiska galayeyna waxay lahaayeen annagaa hadhow muran ka dhigane na siiya khalad bay ahayd, ilduufkuna wuu dhacaa mar walba. Si fiican ayay Soomaaliya uga faa’iidaysteen oo waxay Somaliland ku yidhaahdeen gobol baad tahee waxaan ku siiyo qaado oo waxaan ku idhaahdana maqal. Waxa ka mid ah deeqaha iyo waxbarashada soddonkii sannadood ee u dambeeyay Soomaaliya la siiyay hal mar ayay Somaliland wax ka heshay.
  • Haddii aad heshiis la gasho iyagoo aqoonsi haysta iyo adigoo cidla taagan waxba ka socon maayaan. Waxa dareenka Soomaaliya ku jira Xasan Sheekh ayaa muujiyay imika, malaa hub uun baanu haynine wuu ina soo weerari lahaaye waadiga arkaya waxa ka dhacaya ninkaas oo Somaliland baa la ictiraafayaa geeri buu ka xigaa waanay ka siman yihiin oo dhammaantood waa kuwii isku raacay.

 

  • SU’AAL: Xeebta dheer ee Somaliland mar kaliya falal budhcad baddeenimo kama dhicin, Soomaaliyana way sheegataa markaa sidee ayay arrintaasi isku qabanaysaa?
  • JAWAAB: Waxay isku qabanayaan badda iyo qarannimada Somalilandba waa midnimo lala galay 1960kii berigaana sharci lama kala qoran oo jibana way jirtay oo walaal uun baa la is yidhi. Markii ay duntay ee Somaliland 1991kii gaar wax u dhisatayna Soomaaliya waxay tidhi ‘midnimadii uun baa jirta’ ilaa taa la baa’biiyo oo aynu laba qaran isku aqoonsanno, caalamku imika muxuu Soomaaliya ku raacaa, sow iyaga (Soomaaliya) iyo Itoobiya lama dhexdhexaadiyo, miyaa la soo qaadaa Somaliland, mushkiladu Xamar iyo Itoobiya ma dhex taallo ee ay waxay yidhaahdaan Somaliland annaga ayay jeebada noogu jirtaa. Caalamkuna way ogyihiin Xasan Sheekhna wuu ogyahay in aanu Somaliland waxba ka beddeli karin, mana iman karo.

 

  • SU’AAL: Madaxweyne waxa jirta xeerka doorashada ee goleyaasha sharci dejintu gaar ahaan golaha Wakiiladdu, garyaqaanno iyo mucaaridkuba waxay leeyihiin xeerkaas madaxweynahaa diiday oo soo celiyay ee bal ka warran?
  • JAWAAB: Arrintaasi waxay ka dhexaysaa labada gole baarlamaankeenu waa aqal qudha mar oo waa sharci-dejinta. Baarlamaankeenu wuxuu u qaybsamaa laba aqal ka sare iyo ka hoose, ka sare waa Guurtida ka hoosena waa Wakiillada. Labada gole markay isku yimaadaan waxa guddoomiye u ah Guddoomiyaha Guurtida. Sharci oo dhammi wuxuu soo maraa saddex jaran-jaro, cidda soo curisa oo u badan golaha fulinta (Xukuumadda) ama in labada gole midi curiso, ciddaa curisay waxay marisaa labada gole ee kale. Labada gole haddii ay xeer isku gudbiyaan way ii soo gudbinayaan, markaa aniguna (Madaxweynaha) waxaan eegayaa inuu dastuurka waafaqsan yahay, haddii aanu dastuurka waafaqsanayn waan ku celinayaa.
  • Haddii labada gole ee baarlamaanka oo wada jiraa haddii ay ku soo codeeyaan saddex meeloodow laba, kuma celin karo ee haddii aan arko inuu khaldan yahay waxaan u diraa maxkamadda sare. Xeerkan imika waxa soo gudbiyay golaha Wakiillada, anigoo aan weli ka jawaabin oo ka fiirsanaya waxay warqadi ka timi Guddoomiyihii Golaha Baarlamaanka oo ah golihii sare oo leh ma dhammaystirna jaran-jaradii uu mari lahaaye noo soo celi. Waanan celiyay doodu markaa waxay dhex maraysaa labada gole oo iyagay dhex taallaa ee sharcigaa ay ku murmayaan ha ka soo dhammaato oo iyagoo wada socda oo heshiis ah ha ii keenaan. Haddii uu dastuurka waafaqsan yahay waan sii daynayaa, haddii aan sii dayn waayana 21 cisho ayuu sharci ku noqonayaa.
  • Wax dadka lagu jahwareeriyo iyo wax lagu buuqo midna maaha. Markaa dooda dhex taalla labada gole iyaga haloo daayo. Aniguna weli waan dambeeyaa qolada mucaaridka ah ee leh wax buu soo celiyay ha I sugaan.
  • SU’AAL: Madaxweyne doorasho ayaa muddaysan sannadkan aakhirkiisa, adiguna waad sharraxan tahay dadka leh madaxweynuhu muddada ayuu sii dheeraysanayaa maxaad ka leedahay?
  • JAWAAB: Waxaan ka leeyahay ma maqashay ‘hasha geella cunta ee cabaada’ qolada sidaas lihi waa kuwa dabada haya doorashada ee mar walba sharciga raajinaya ayaa ku marmarsoonaya wuu korodhsanayaa iyo wuu dheeraysanayaa. Sharcigan doorashadu sidii kaga soo noqday Guurtida annigu ismaan lahayn way taabanayaan qoladan mucaaridka u badan ee Wakiilladu. Waayo mucaaridku waxay ku dagaalamayeen oo ay mudaharaado u keeneen oo dad ku dhintay oo odayaashuna soo dhexgaleen waxa ay mucaaridku ka dagaalamayeen waa ururradii la furay.
  • Odayaashii sharciga soo farogeliyay ee yidhi dantaa laga raacayaa waxa ay xukumeen in saddexdii xisbi ee hore oo qudhi ay doorashada madaxtooyada ku tartamaan, markaa xisbiyada mucaaridku inay sacabka tumaan bay ahayd. Golaha Wakiillada ayaa xeerkii ansixiyay,kadina guurtida ayuu tagay way u soo ogolaadeen oo way ka reebeen ururradii. Markaa inay xeerka keenaan uun bay ahayd markaas ayaa la ogaan lahaa inaan diidayo iyo inaan sacabiyo.
  • Mid kale ayaan kuu sheegayaa oo aan qarsoodi ahayn labada xisbi ee mucaaridka ah ee imika rabshada wadaa. Sow ma aanu tartamin 2017kii. Miyaan laga adkaan maantana waxaan qabaa waa kuwii aanu is naqaanay iyo annaga oo tartamayna uun. Anigu tartan diyaar baan u ahay haddii la iga helana si xarago leh ayaan u wareejinayaa oo aan buuq lahayn. Laakiin WADDANI in badan buu u yidhi doorashada sannadkan gar iyo gardaraba waa inaan helaa. Waxaan leeyahay gar waad ku helaysaa gardarose ku heli maysid.

 

  • SU’AAL: Waa maxay Madaxweyne farriinta aad ku soo gabogabaynayso ee aad u dirayso dadweynaha Somaliland?
  • JAWAAB: Dadweynaha Somaliland waan u mahad naqayaa. Waa dad adag oo gob ah. Waa dad dal jecel oo qab leh oo xoriyadooda iyo inay dalkooda u madax-bannaanaadaan wax walba u huray. Laga soo bilaabo 1981kii ilaa 1991kii waxa ay naf iyo maalba u hureen dalkooda. Waxay afar bilood oo ka mid ah 1988kii ay qarammada midoobay diwaangelisay in 50 kun oo qof oo rayid ah ay dishay Dawladdii Soomaaliya.
  • Dadkeenu qarannimadooda way ilaashadaan oo waan ku bogaadinayaa, waxaan leeyahay wixii aynu xeerar dhiganay aynu ilaashano oo ku socono. Waa inaynu sharciyada ilaalino kuwa diinta ah ee lama taabtaanka ah iyo kuwa aynu samaysanayba. Waxaan intaas ku darayaa haddii aynu is khilaafno waa inaynu danta guud ilaalinaa.