Gudoomiyaha UCID oo ku Taliyay in laga Fogaado Hadalada Xanafta leh ee Warbaahinta la Isu Marinayo

0
127

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Xisbiga Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng  Faysal Cali Waraabe ayaa Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka u soo jeediyay inay xil wayn iska saaraan illaalinta nabadgelyadda dalka isla markaana ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee kala gaynaya bulshada, waxna u dhimaya jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay labada shir-gudoon ee golayaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland inay wada fadhiistaan oo xeerasha khilaafku ka taagan yahay ay ka wada hadlaan kuna dhammeeyaan fadhi iyo wada tashi.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa sidoo kale ku baaqay in xeerarka la isku maan dhaafsan yahay laga wada shaqeeyo oo wax la isla ogol yahay laga soo saaro, si uu u so gebo’gaboobo muranka sharci ee dalka ka jira.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyay degelka Twitter ee mareegta Internet, taasi oo uu uga gole leeyahay inay wax ka tarto jedinta xaaladda ka aloosan muranka sharci ee dhex yaala golaha Guurtida iyo Wakiiladda oo isku khilaafsan qaabka xeerarka ay ansixiyaan ugu gudbayaan Madaxwaynaha, taasi oo ay Guurtidu markii danbe Madaxawaynaha ka codsadeen inuu dib ugu soo celiyo  si loo waafajiyo jaran jarooyinka sharci ee ay xeerarku maraan.

Warkan qoraanka ahaa ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:-

Xalka maanta la gaga baxaayo khilaafka cusub, Dalkuna Ku badbaadayo waa in

1- Ha la joojiyo hadalada xanafta leh Ee miidiya la isku marinayo

  1. Labada shirgudoon ee labada aqal ha wadda fadhiistaan
  2. Labadii xeer qabyo ha la isla eego. Nuqol la isla ogalyahay ha laga so saaro.