Qisaska Buuga Ninka Sanamka Ah …!

0
108

Wargeyska Sunday Times ee dalka Ingriiska ayaa bishii Feberweri 15dii , sanadkii 1968 bogga uu ku soo bandhigo cajaa’ibka dhacdooyinka Siyaasadda ku soo daabacay cinwaanka ah: “ Sidee Ayuu wiilkayaga safiirka ahi U diiday Inuu madaxweyne u Noqdo Turkiga”?.

Wargeyska ayaa ku bilaabay “ Sanadkii 1938, markii madaxweynihii Turkiga Mustafe Kamal Atator oo dalka xukumayay uu ku jiifay furaashka geerida uu u yeedhay Safiirka Ingiriiska ee Turkiga oo la odhan jiray Pierce Lauren, wakhtigaasi waxa dhex martay sheeko sir ah oo sidan uga waramay Safiirku “  Markaan galay qolka Madaxweynaha wuxu ah mid aad u xanuunsaya oo barkimo ku tiirsan waxaana la joogay dhakhtar iyo laba kalkaaliso, wuxu u sheegay inay iska baxaan oo uu jalaska garaaci dono haduu u baahdo”. Ka dibna wuxu isoo bandhigay inaan dalka Turkiga xukunka anigu uga danbeeyo, oo aan madaxweyne ka noqdo, madaama xanuunka hayaa uu yahay mid laga yaabo in aanu ka kicin”.

“ inkasta oo ay ahayd arin yaab leh haddana anigu kuma qancin, waayo xukunkiisu wuxu ahaa mid adag”.   Mustafe Kamal Atator wuxu ahaa hogaamiye dadkiisa si adag uga fogeeyay diintooda wuxu mamnuucay xijaabka, masaajido badana wuu xidhay, isagoo u rogay meelo qasiidooyinka lagu akhriyo”.  Hogaanka keligii taliyaha ahi marka uu isagu dadkiisa baabiiyo , wuxu jecel yahay in aan hogaan kale oo wanaagsani uga danbayn. (Buugga “Ninka Sanamka ah”