Dhismayaal Cusub oo laga Hir-geliyay Xarunta Agoomaha ee Hargeysa

0
122

Hargeysa (Dawan) Dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay xarunta daryeelka agoomaha ee magaalada Cargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah xadhiga looga jaray, waxaana xaflada xadhig karka ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan xukuumadda..

Munaasibadii xadhig Jarka dhismayaasha cusub oo shalay lagu qabtay xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne ku- xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Bustaale, Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Masuuliyiin ka socday Hay’adda Camuud Foundation iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku- xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu aga mahadnaqay Hay’adda Camuud Foundation oo fulisay Mashruuca dhismayaashan, waxaana uu “Waxaan ku faraxsanahay in dhismayaasha intan leeg ee dhammaaday oo sannad ka hor la dhagax dhigay, waa adeeg qaranka u soo kordhay, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa iyo daryeelka Caruurta aan waalidka la hayn, waxaana aan umahad naqayaa Hay’adda Camuud foundations oo fulisay Mashruuca intaa leeg ee dhismayaashan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiim Siciid Bustaale oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in dhismayaashan laga hirgaliyay xarunta agoomaha ee Hargeysa ay dabooli doonaan baahidii loo qabay. Waxaana uu yidhi “Waa aan ku faraxsanay dhismayaashan faraha badan ee laga hirgaliyay Xarunta daryeelka Caruurta,oo qayb weyn ku soo kordhiyay baahidii loo qabay in ay inaga daboolaan.waxaana aan uga mahadcelinayaa Hay,adda Camuud Fondashion,”.

Sidoo kale Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa uga mahadcelisay Hay,adda iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgalinta dhismayaashan.