Madaxweynaha Muqdisho oo Qirtay Inuu uga soo Horjeedo Heshiiska Itoobiya Aqoonsiga Somaliland

0
92

 

Dooxa (Dawan)- Madaxweynaha Maamulka Itaalka daran ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuu Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uga soo horjeedo keliya arrinta Aqoonsiga Somaliland helayso, waxaanu ku andacooday inay diyaar u yihiin cid kasta oo ay heshiis kula gelayaan Deked iyo goobo kale oo muhiima, Itoobiyana ay xaq u leedahay inay marin-biyood Baddeed ka hesho gobolka, soona dhaweynayaan haddii ay kala xaajoonayso Dawladdiisa.

kani waa hadal cad oo uu ku muujiyey in buuqa iyo qaylada uu ku furay Heshiiska Isfaham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ay ka tahay oo keliya xintan iyo xaasidnimo ka dhan ah qadiyadda JSL, kaasi oo uu kaga badheedhay diidmadiisa aqoonsiga Dalkeena, laakiinse uu markii hore iska dhigayey inuu difaacayo Dhul iyo Bad Soomaaliyeed oo cadow qaadanayo.

“kama soo horjeedno in Itoobiya Maalgashato Dekedaha Somaliland oo iminkaba waxay saami ku lahayd Dekedda Berbera, kama soo horjeedno inay xaq u leedahay inay Marin Biyood ka hesho gobolka, laakiinse waxaan ka soo horjeednaa aqoonsiga Somaliland. Ma ogolin mana aqbalayno inay talaabadaasi qaado”ayuu ku sheegay waraysi uu magaalada Doxa ee Dalka Qatar ku siiyey Telefishanka Aljazeera qaybtiisa Ingiriisiga.

Waraysigan oo uu ku haftay su’aallo muhiima oo laga waydiiyey qadiyadda Somaliland iyo guulaha horumar ee ay gaadhay iyadoon Xamar laga jaan-goyn danaheeda, ayaa waxa kale oo uu xaalad caadi ah oo aan shido lahayn uu ku tilmaamay heshiisyada kale ee caalamiga ah ee ay gashay Somaliland, sida mashruuca maal-gelinta Dekedda Berbera.

Tan iyo markii ay heshiiska isfaham qalinka saxeexeen Horaantii bishan January Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali kaddib kulankii ay ku yeesheen Addis Ababa, madaxda Maamulka Soomaaliya oo uu ugu magac iyo maamuus sareeyo Xasan Sheikh, waxa ay rucle iyo orod ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen heshiiskaasi, iyagoo shacbiga afka Soomaaliga ku hadlana isugu micneeyey inay difaacayaan badda Somaliland oo cadow ku soo duulay, dareenka noocaas ah oo ay ku kicinayeen cadiifada bulshada caadiga ah.

Waxa olollaha qayb ka ahayd inay cusboonaysiiyaan taariikho colaaddeed oo u dhexeeyey Soomaalida iyo Itoobiyaanka qarniyadii la soo dhaafay, kuwaasoo ku astaysnaa duruufo iyo marxalado aan wakhtigan joogin amase aanay xaaladooddu taagnayn. Hase yeeshee waraysigan Xasan Sheikh wuxuu ku cadeeyey mowqif ka duwan baaqyadii iyo qaylo-dhaantii uu ka jeediyey Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay.

Diidmadiisa la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland maaha go’aan ay kala midaysan yihiin Shacbiga Soomaaliya oo dhan, waana sababta uu hore ugu dagaal gelin waayey markii uu khudbadaha uga jeedinayey Masaajidada Xamar. Sidaasoo ay tahay carqaladaynta cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya waxa hore ugu fashilmay maamulladii isaga ka horeeyey.

Itoobiya ayaa ahayd dalkii ugu horeeyey ee xidhiidh siyaasaddeed iyo iskaashi nabad-gelyo la yeeshay Somaliland sanadihii sagaashamaadkii oo ay labadooduba ahaayeen wadamo dib-u-dhis dawladnimo ku jira, waxaanay taasi ahayd albaabkii tacaamulka caalamka u furay Dalkeena.

Sidaas darteed rubuc qarni kaddib ma jirto xaalad iyo caqabad ka hor-istaagi karta inay noqoto Addis meesha ugu horaysa ee lagaga dhawaaqo Ictiraafka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana warka ugu dhumucda weyn ee ay dharaaraha soo socda dhawaaqiisa u dhegtaagayaan Shucuubta Somaliland iyo Itoobiya.