Maamulka Daadmadheedh oo Baabuur Dhuxulaysato ah ku Qabatay Oodweyne

0
102

Oodweyne (Dawan) Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Daadmadheedh, ayaa ka hadlay 4 gaadhi oo ay ku soo qabteen dhul, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigtay wasaaradda degaanka oo kaashanaysa ciidamada booliska ee degmada Oodweyne.

Maamulka degmada Oodweyne ayaa sheegay in toddobaadyadii u danbeeyay ay ku jireen hawlgalo ay kula dagaalamayaan dhuxuleysatada.

Guddoomiyaha gobolka Daadhmadheedh ayaa ciidamada booliska uga mahadceliyay sida ay markasta ugarab taagan yihiin, waxa uu intaas raaciyay in geedkii lajaraa aanu dib u soo noqonayn, waxaanu bulshada ku booriyay kuna adkeeyay inay gacan ka siiyaan sidii dhirta iyo degaankaba loo ilaalinlahaa, isla markaasna dhuxulaysatada faraha baas ku haysa degaanka sidii meel looga soowada jeesanlahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu soojeediyay in lacagta dhallinyarada gaadiidka loo siinayo aan loo siin balse shirkado ganacsiyo kale oo shaqaynaya in loogu darro, sidoo kale waxa uu sigaara fariin ugu diray guddoomiyayaasha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Daadmadheedh, waxaanu caddeeyay in aanu masuul noqonayn nin degaankii baabi’inaya.

Ciidanka booliska ee gobolka Daadmadheedh ayaa sheegay in aanay cidna ka aqbalayn dhuxuleysiga sharcidarada ah, waxaaney cidkasta oo ku hawlan jarista dhirta qoyan ee laga dhigayo dhuxusha ka codsadeen inay joojiyaan, waxaa ay intaas ku dareen in qorshahoodu yahay haddii ay suuragasho inay soo afjaraan dhuxuleysatada degaanka faraha baas ku haya.