Noola Kasta Faa’iido Ayuu Leeeyahay

0
112

Daraasad cilmi baadhis ah oo ay ka sameeyeen aqooyahano ka tirsan Ururka Commen wealth ee dalka Austareliya ayaa cadaysay in qudhaanjada cadcad ay dadka ku hagi karto goobaha laga heli  dahabka iyo macadanaha  kale ee qaaliga ah.

Warbxin lagu qoray wargeyska Science Daily ayaa lagu cadeeyay  in qudhaanjada godadkeeda laga helay dahaba iyo goobo kale oo u dhow.

Dr.Aron Stewart oo ka tirsan cilmi baadhayaasha commonewealth ee dhinaca sayniska iyo wershadaha aya sheegay inay cayayaankaasi yar u isticmaaleen inay ku soo ururiyaan dahabka iyo macadano kale . Taasi oo fudaydisay macadano ay adag tahay in si fudud lagu helo. Goobaha ay ku badan tahay Qudhaanjada noocan ah ayaa astaan u ah macaadin iyo dahab badani inuu ku jiro.