Itoobiya oo Golaha Ammaanka Horgeysay Heshiiska ay la Gashay Somaliland

0
130

Hargeysa(Dawan)-Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka  Itoobiya, ayaa horgeysay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay Heshiiska Is-faham ee ay la saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal ku taariikheysan 26 January, 2024, kuna saxeexan yahay Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia, Mesganu Arga, ayaa lagu faah-faahiyey muhiimadda heshiiskani u leeyahay Ethiopia iyo sida uu sharci ahaan u waafaqsan yahay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah.

Waxa lagu yidhi qoraalkan “heshiiska ay itoobiya la gashay Somaliland waa mid kor u qaaday xasilloonnida, iskaashiga dhaqaalaha iyo is-dhex galka gobolka.”

Warqadda ayaa lagu socodsiiyey Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ahna Safiirka Faransiiska u fadhiya Qarammada Midoobay, Ambassador Nicolas de Rivière, oo bishan January haya xilka meertada ah ee Madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka reer Galbeedka ee xidhiidhka dhow la leh Itoobiya, waxaannu dalkani kaalin muhiim ah ka qaatay dhismaha Ciidanka Badda Ethiopia.