Shir-gudoonka Baarlamaanka Somaliland oo Ka Tashanay Muranka Sharci ee Xeerarka Doorashooyinka

0
131

Hargaysa (Dawan) Shir-gudoonka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa kulan ku yeeshay xafiiska gudoomiyaha golaha guurtida, kaasi oo ay kaga wada hadlayeen xalinta muranka sharci ee ka dhex taagan golayaasha Baarlamaanka kaasi oo ka dhashay xeerarka isa-saarka Doorashooyinka Qaranka.

Kulkan ayaan loo ogolayn cid ka baxsan labada shir-gudoon ee Baarlamaanka Somaliland, sida saxaafada iyo xildhibaanada kaleba.

Intii uu kulanku socdaya ayaa waxa ka soo baxay goobta kulanku ka socday Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo ka mid ahaa hormoodka dhex dhexaadinayay goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, oo isagu gudoomiyaha guurtida ka codsaday in loo hakiyo shaqada golaha si uu kulankani u dhaco.

Xildhibaan Axmed Daahir Jirde ayaa sheegay in kulankii lagaga hadlayay xalinta muranka sharci ee ka dhashay xeerarka Doorashooyinku uu bilaabmay, si wanaagsana uu u socdo, waxa kale oo uu sheegay in laa filayo inay wax wanaagsani ka soo baxaan oo ay bulshadu ku faraxdo.

kulankan ayaa marka uu soo dhamaaday, wax xog ah kamay bixin shir-gudoonka labada gole oo waa ay ka aamuseen bixinta xogtaasi.

Gebo’gabadii kulankan ayaa la filayaa inuu soo dhamaado maalinta berri aha haddii EEBE idmo, taasi oo la sugayo inay bulshada la hadlayaan gudoonka Baarlamaanka Somaliland ugana warbixiyaan halka uu sal dhigay heshiiska laga gaadhayay muranka sharci ee maalmahan ka dhex taagnaa laada gole ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland.