Lacagtii iibka hubka Ukraine oo la xaday iyo dad loo qab-qabtay

0
102

Laamaha ammaanka ee dalka Ukraine ayaa sheegay in ay ogaadeen musuq maasuq lagu sameeyay hub ay soo iibsadeen militariga oo ku kacaya lacag dhan $40m (£31m).

Hay’ada Nabad Sugida  Ukraine oo loo soo gaabiyo SBU waxay sheegtay in shan qof oo sarsare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo shirkad hub ka soo iibisa la baadhayo. Waxay sheegtay in saraakiisha difaaca ay saxeexeen qandaraas 100,000 oo hoobiye ah bishii Agoosto 2022.

Lacag-bixinta ayaa horay loo sii qaatay, iyada oo qaar ka mid ah dhaqaalaha dibadda loo gudbiyay, balse lama keenin wax hub ah.

Musuqmaasuqa ayaa caqabad weyn ku noqday isku daygii Ukraine ay ku dooneysay inay ku biirto Midowga Yurub.

SBU waxay sheegtay in baadhitaanku uu ” kashifay” saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo maamulayaasha shirkadda hubka ee Lviv Arsenal, “kuwaas oo xaday ku dhawaad ​​1.5 bilyan hryvnias oo ay ku iibsadeen madaafiic”.

“Sida ku cad baadhitaanka, mas’uuliyiin hore iyo kuwa hadda jira oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo madaxda shirkadaha xidhiidhka la leh ayaa ku lug leh lunsashada hantida,” ayaa lagu yidhi.

SBU waxay sheegtay in inkasta oo heshiiska madaafiicda la isku afgartay lix bilood ka dib markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee Ukraine, “hal madfac” waligeed lama dirin.

Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa la xidhay xilli uu isku dayay inuu ka baxo Ukraine, waxaana hadda uu ku jiraa xabsiga, SBU ayaa sidaas sheegtay.

Dacwad oogaha guud ee Ukraine ayaa sheegay in la qabtay lacagihii la xaday, dibna loogu celin doono miisaaniyadda difaaca.

Arrimaha ku xeeran musuqmaasuqan Ukraine ayaa sanado badan soo jiitamayay.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa mid ka mid ah mudnaantiisa ugu weyn markii uu xukunka qabtay sanadka 2019-ka.

Eedeymahan ugu dambeeyay ayaa imaanaya iyada oo xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ay gadaal ka riixayaan dadaallada madaxweyne Joe Biden uu ku doonayo in gargaar dheeraad ah loogu diro Ukraine.

Bishii Agoosto, madaxweyne Zelensky wuxuu shaqada ka eryay dhammaan saraakiishii mas’uulka ka ahayd qoritaanka milatariga si loo soo afjaro nidaam dadka qaar loogu oggolaaday inay ka baxsadaan askareynta.

Ukraine waxay musuqmaasuqa ka gashay kaalinta 116aad, warbixintii sanadkii 2022 ee baadhista hayada Transparency International, markii la baadhay 180 wadan.

Balse dadaallada ka dhanka ah musuqmaasuqa ayaa billaabay inay isbedel sameeyaan. Ukraine waxay ka mid tahay 10-ka waddan ee musuqmaasuqoodu kordhayo, iyada oo sare ugu kacday 28 boos tobankii sano ee la soo dhaafay.