Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka oo u Kuurgalay Xaaladda Xarumaha Caafimaad ee Gobolka Saaxil

0
89

Saaxil (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wafti uu hogaaminayo oo ka socday Xafiiska Horumarinta ee Dawladda Ingiriiska (FCDO) ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaadka ee gobolka Saaxil gaar ahaan xarunta caafimaadka ee Abdaal ee dagmada Mandheera.

Agaasimaha guud iyo waftiga ayaa waxaa soo dhaweeyay oo uga warbixiyay xaalada guud ee gobolka Saaxil Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil Mubarik Yasiin Warsame, isagoo waftiga warbixin ka siiyay goobahan ay soo kormeereen iyo habsami u socodka shaqo ee xarumahan.

Ujeedka waftigan uu horkacayo Agaasimaha Guud ayaa ahayd sidii ay u kormeeri lahaayeen xaalada ay ku suganyihiin xarumaha caafimaadka ee gobolka Saaxil ee uu ka dhamaaday mashruucii caafimaadka ee ay dawladda ingiiriisku maalgalisay hay’ada HPA-na ay fulisay iyo saamaynta uu ka tagay.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dawladda ingiiriisku la garab taagantahay Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Mashaariicda Caafimaadka ee dalka, kuwaasi oo uu Agaasimuhu sheegay inay kaalin muhiim ah ugu jiraan dalka iyo caafimaadkaba.

Gebo’gabadii kormeerkan ay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Xafiiska dawlada Ingiriiska ee Hargaysa ay ugu kuurgalayeen xaaladda ay ku sugan yihiin xarumaha Caafimaad ee gobolka Saaxil ayaa ku soo dhammaaday waji wanaagsan oo ay soo taab teen masuuliyiintani xaalada dhabta ah ee ka jirta goobaha Caafimaad ee gobolka Saaxil gaar ahaan Deegaanada Abdaal iyo Mandheera.