Xaraashka Alaab Mandela lahaa oo la Joojiyay

0
116

Xaraash muran badan dhaliyay oo lagu xaraashay ilaa 70 shay oo shakhsi ahaan  uu u lahaa halyeygii midab-takoor diidka ee Koonfur Afrika ayaa la joojiyey. Sidaana waxa sheegaay guriga xaraashka Guernsey ee New York. Alaabtan Nelson Mandela waxa ku jira qalabkiisa maqalka, ushii socod, muraayadiisii akhriska iyo alaab kale.

Guriga xaraashka ee Guernsey ee fadhigiisu yahay New York ayaa ku qoray degelkiisa warka in la hakiyey xaraashkii alaabtaa, iyada oo aan la sheegin sabab , balse waxa daba socotay qaylo dhaan ka dtimi dawlada Koonfur Afrika.

Gabadha curad ee Mr Mandela, Makaziwe Mandela, ayaa qorshaynaysay inay alaabtan ku iibiso xaraash 22-kii February, iyada oo sheegtay inay doonayso inay lacagtaas u isticmaasho si ay ugu dhisto beer xusuus ah oo lagu maamuusayo Mandela, una dhow goobtii lagu aasay.

Wakaaladda Kheyraadka Dhaxalka ee Koonfur Afrika (Sahra) ayaa ka hortimid go’aankeeda oo maxkamad geysay, taas oo diiday iibka alaabta. Makaziwe Mandela, waxay sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xukunka.

Wasiirka Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Koonfur Afrika, Zizi Kodwa, ayaa sheegay in xannibaadda iibka ay lagama maarmaan tahay, maadaama Mr Mandela uu muhiim u yahay Koonfur Afrika, alaabtiisuna tahay dhaxalka dalkan”.

“Sidaa darteed waa muhiim inaan ilaalino dhaxalkii Madaxweynihii hore ee Mandela oo aan hubinno in waaya-aragnimadiisa shaqo iyo noloshiisa ay dalka ku sii jirto oo ay arkaan jiilasha soo socda,” ayuu yidhi.

Warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa ka soo xigatay wiil uu awoow u yahay Mandela oo lagu magacaabo Ndaba, isaga oo sheegay in isagana uu ka soo horjeedo xaraashka.

Buugga xusuus qor ah oo Mandela ku saabsab ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabaha la xaraashayo.

Mr Mandela waxa uu dhintay sanadkii 2013-kii isaga oo 95 jir ah.

Waxa uu xabsiga ku jiray ku dhawaad ​​30 sano kadib markii uu la dagaalamay dadka cadaanka ah ee laga tirada badan yahay, waxa uuna noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee Koonfur Afrika 1994-tii, waxa uu xilka ka dagay shan sano kadib.