Wasiirka Diinta JSL oo Shacabka ugu Baaqay in lagu Shukri Naqo Nimcooyinka ALLE Ina Siiyey

0
103

Boorame (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo magaalada Boorame kaga qayb galay bandhiga buugga Gaaraa-bidhaan ee laga qorey Abwaan Xasan Shiikh Muumin ayaa shacabka ugu baaqay in lagu shukri noqo nimcooyinka ALLE ina siiyey, taas bedelkeedana aynaan wax macsi ah ku darin.

Wasiirku waxa kale oo uu bogaadiyey qoraaga buugga Gaaraa-bidhaan Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah qoraayada ugu saamaynta badan Somaliland, inta bandanna wax ka qora dadka haldoorka ah ee Dalka iyo dadka u soo shaqeeyay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka ugu baaqay in loo duceeyo Marxuum abwaan Xasan Shiikh Muumin, waxaanu wasiirku sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo ababtay suugaantiisa, haddana ay farxad gaar ah u tahay inuu isagoo nin wayn ah oo Wasiir ah goob joog ka yahay madashan lagu maamusay. sidaa darteedna uu ugu abaal gudayo in uu u duceeyo oo maamuso.

Ugu dambayntiina waxa uu Wasiirku yidhi :- ” Diinteena ku dhaqankeeda in aynu sheegano ,macno yeelan mayso hadii wixii ay diidayna aynaan diidin ,wixii ay ina fartayna aynaan u hogaansamin.”