Gacan-ku-qodayaasha Bullaacadaha Hindiya iyo Dhibaatada Haysata

0
56

Ajana Gurigeedu waxa uu ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya, ilmo yar oo wiil ah ayey dhashay waxay ugu magac daray aabihiis.

Aabihii Umesh Bamaniya waxa uu dhintay bishii April 2023, 10 maalmood uun ka hor dhalashadiisa wiilkiisa, isaga oo nadiifinaya bulaacad dhulka hoostiisa ah, waa shaqo uu ku heli lahaa 2,000 rupees una dhiganta £ 19 oo ginni ama $ 24 Dollar. Meydkiisa, oo wasahki ku daboolan tahay ayaa laga soo saaray godkii Bullaacada oo ku yaalla magaalada Tharad ee Gujarat. Waxa uu ahaa kaliya 23 sano jir.

Geerida ninkeeda Anjana waxay ku reebay murugo. “Sideen u korin karaa carruurtayda oo aan wax u barayaa?” ayay is waydiisay.

Gobolka Tamil Nadu ee koonfurta oo Boqolaal mayl u jiraGujarat,, Annamma waxay iyaduna ku sugan tahay sidan oo kale.

Seygeeda Moses, oo 40 jir ah, ayaa u dhintay neef-qabatin gudaha bullaacadaha warshad ku taal magaalada Chennai bishii Sebtembar 2023.

Ilaa dhimashadiisa, Annamma may aqoon inuu ninkeedu nadiifiyo bulaacadaha. Wuxuu u sheegi jiray inuu ka shaqeeyo meel wax laga cuno oo mashquul ah, mararka qaarkoodna shaqadiisa maalintii laban-laab noqoto,” ayay tidhi.

Annamma, oo leh laba gabdhood oo yaryar, ayaa weli naxdin ku jirta. “Lacag iyo badbaado iska ilow, “sideen ugu sheegi karaa carruurtayda in aabbahood dhintay isaga oo nadiifinaya haanta dhuunta wasakhda qaada?”

Cumesh iyo Mose waxay ka mid yihiin kumanaan ka mid ah shaqaalaha nadaafadda oo ka soo jeeda bulshooyinka hoose kuwaas oo gacamaha ku nadiifiya bullaacadaha, haamaha qashinka, musqulaha iyo meelaha la mid ka ah iyaga oo aan la siin qalab ah oo badbaado u ah waxay wax ku qodayaan mooyee. Waxaa loo yaqaan gacan ku qodayaasha, hase ahaatee in gacanta lagaga shaqeeyo waa la mamnuucay gudaha Hindiya laakiin dhaqanku weli waa wax iska caadi ah, iyada oo dadka ay qasab ku tahay sababta oo ah sharci la’aanta iyo dadka oo aan heli karin hab-nololeed kale oo ay kaga kaaftoomaan, siiba bulshooyinka hoose. Waxa soo kiraysta shirkado maxalli ah iyo xitaa qandaraasleyaal gaar loo leeyahay si ay u nadiifiyaan bulaacadaha xanniban ee qashinka ama dhoobadu xidho.

Dawladihii federaalka Hindiya ee is xig-xigaay oo ay ku jirto tan hadda jirta, ayaa sheegtay dhowr wakhti oo kama-dambays ah ay u qabteen in Hindiya ay ka madax-bannaan tahay ka shaqaynta Bullaacadaha Khatarta ah iyada oo gacanta lagu ahaqaynayo, waxa ugu dambaysay bishii Agoosto ee sannadkan.

Warbixin dawlada Federaalku soo saartay sanadkii 2021 waxa lagu ogaaday in 58,098 qof ay ka shaqeeyaan shaqadaa gacan ku qodayaasha khatarta ah. Laakiin sida uu qabo Safai Karmachari Andolan, oo Komishan ka shaqeeya baabi’inta shaqadan khatarta ah ee dadka loo dirayo, waxaa uu sheegay in ay jiraan in ka badan 770,000 oo shaqaale ah oo ku hawlan.

Dhimashada sida Umesh iyo Mose – badiyaa waxay ku timid neefta sunta ah ee bullaacadaha oo dadka neefsashada ka xidha – ayaa inta badan laga soo sheegaa magaalooyin kala duwan oo Hindiya ah. Bishii July 2023, dawladdu waxay sheegtay in 339 qof ay dhinteen shantii sano ee la soo dhaafay iyaga oo nadiifinayey bulaacadaha iyo taangiyada qashinka.

Warbixin kale oo ay soo saartay komishanka qaranka ee Safai Karamcharis (NCSK) – oo ah hay’ad ay dawladdu magacawday oo kormeera xaaladaha shaqaalaha nadaafadda – ayaa sheegaysa in 928 ka mid ah shaqaalaha bullaacadaha ay dhinteen intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2020, iyada oo gobolada Tamil Nadu iyo Gujarat laga soo sheegay khasaaraha ugu badan. Laakiin xisaabta dhabta ah lama oga sababta oo badan shaqaalaha ay dhibaatadu saameysey waxaa lagu shaqaaleysiiyay qandaraas aan cid kale ogayn, taas oo u sahlaysa maamulka ama dadka shaqaaleysiiyay in aan lagala xisaabtamin mas’uuliyadooda.

Sidoo kale dhimashada dadkan ma tixgalinayaan maamulka gobolka oo warbixinaha la soo ururiyo ee dhimashada ku daraan xogta dhimashada bulaacadaha, sidaas awgeedna waa kuwo aan la soo sheegin oo aan magdhow la siin,” ayey tidhi warbixinta NCSK.