“Soomaaliya Dhibaato ayay u Gaysataa Qaxootiga Somaliland ee Dalka Dibadiisa laga soo Celinayo ”Mareeyaha Madaarada

0
125

Hargaysa (Dawan) Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan “Sayid” ayaa sheegay in cadaawada ay Soomaaliya u qabto Somaliland iyo bulshadeedu ay gaadhay heer ay hantida soo gashay ay qayb u qoondeeyaan dhibaatada iyo hagardaamaynta Somaliland.

Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland ayaa sheegay in dhibaatada ay Soomaaliya u gaysanayso shacabka iyo dawladda Somaliland ay gaadhay in dhalinyaradda Tahriibta ee dib loogu soo celinayo dalka ay dhibaateeyaan oo ay halkaasi ka raadiyaan wax yeelo iyo hadimo ay u gastaan dhalinyaradaasi, taasi oo uu sheegay in aan dhibaato iyo siyaasada aan laga raadin karin, dhalinyaro rafaadsan oo dib loogu celinayo dalkoodii lacag fara badani ay kaga baxday jidkaasi dheer ee uu isku soo tuuray.

Cumar Sayid oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu ydihi “Waxaan idiin sheegayaa Qaxooti la soo celiyaa ma dhib bay leedahay, xataa kuwaa way nagu dhibaan marka wax kale laga tago dad qaar baa yidhaahda hawadeenii, qaar baa yidhaahda Caasimad baa la idin siinayaa nimankaa wax dheer ma jiraan, xataa Qaxootiga inamada soo noqonaya dhibaatada ay u gaystaan Madaar ahaan waanu ognahay”.

Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan oo ka qayb galay xaflad lagu abaal marinayay shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ayaa sheegay in dawladaasi ku hawlan dibin daabyada Somaliland aanu Madaxwaynahoodu gaadhi karin Af-gooye oo wax yar u jirta Caasimada Muqdisho amni daro darteed, waxaanu sheegay in aanay ka shaqayn amnigood balse ay taasi badelkeeda ay ka shaqeeyaan sidii ay u dhibaatayn lahaayeen Somaliland iyo dadkeeda.

Mareeyaha ayaa xusay in Hay’adaha Somaliland mid kasta ay faraqa haystaan oo ay dhibaato la daba taagan yihiin Soomaaliya sida Duulista, Baanka, Maaliyadda kuwaasi oo uu sheegay in aanay ka daalin dhibaataynta dalka Somaliland waxaanu yidhi

“Hay’add Dawladeed oo aanay faraqa haysan oo aanay dhibaatadeeda ku maqnayni ma jirto,haday tahay Duulista, haday tahay Maaliyadda, haday tahay Baanka dhamaan waxad moodaa in loogu talogalay”.

Gebo’gabadii Maareeyaha Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan ayaa sheegay in Somaliland ay ka guulaysanayso dhawaan Soomaaliya iyo dhinta ay markasta u qorshayso.