Dhalinyarada Waxaan u Sheegayaa Inay Waddankooda Difaacaan”

0
92

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadeda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ayaa dhalinyarada ugu baaay in ay dalkooda difaacaan, waxaanu sheegay in Mucaaradnimadu ay tahay in laga markhaati furto waxa la qabtay iyo in dalka la dhisto.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadeda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in Dhalinyarada Somaliland ay ka difaacaan dalkooda dacaayadaha cadawgu fidinayo isla markaana ay ku faanaan horumarka dalkoodu gaadehay.

 

 

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mucaaradnimadu waa in ay dalka dhisto, dhaliisha iyo horumarkiisana sheegto, waxa la qabtayna ka markhaati furto oo wax qabadka sheegto, heshiiskii Itoobiya aynu la soo galnay iyo Ictiraafkii oo aynu qarka u saaranahay oo cadawgeenii meel walba ka qaylinayo. wadankeenu 33 sanno ayuu korayay oo maalinba waxbaa noo korayay intaas oo sannadood oo ka horeeyayna halgan ayaa lagu jiray,waxa aynu hareeraha ka joogaynaa Wadankeena Dhalinyaro iyo Waayeel cadawga iyo dacaayadaha dibada ka imanayana ka difaacno.cida difaaca laga doonayaa waa dhalinyarada,maxaa yeelay dhalinyarada ayaa laga rabaa in nabadgalyada iyo horumarka dalkooda ku faanaanan.waxa aan arkayay masuuliyiin leh ilig ayaa la xidhay waxa aynu Garsoorka u samaysanay in qofkii eedaysanaa la xidho oo Garsoorka la geeyo,hadii eeda lagu soo eedeeyay ku cadaato in lagu xukumo hadii kale la sii daayo Caalamka ayaynu kala mid nahay”.