Taliyaha Ciidanka Dabdamiska oo Guddida amniga u Hortagey Naaqishaada Xeerka Dabdamiska iyo Samata-bixinta

0
89

Hargaysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa shalay hortagey Guddi hoosaadka amniga iyo nabagelyada ee Guurtida oo golohoodu u xilsaaray ka soo talabixinta Xeerka Ciidanka Dabdemiska Jamhuuriyada Somaliland, kaasi oo hadda Golaha Guurtida horyaala.
Taliyaha ayaa guddida uga warbixiyay Marxaladaha uu soo maray xeerkani iyo ahmiyada uu u leeyahay waddanka, waxaanuu Taliyuhu ka codsaday Golaha inay ansixiyaan xeerkaas oo wax badan ka tari doona nidaamka badbaadada waddanka.
Guddida ayaa dhankooda bogaadiyay shaqada nafhurka ah ee ay hayaan ciidanka Dabdemisku waxaanay tilmaameen in ahmiyad gaara ay siin doonaan xeerkan.
Waxaa taliyaha kulankaa ku wehelinayay Hogaanka Maamulka iyo Maaliyada iyo Hogaanka Hawlaha Ciidanka.
Gaba-gabadii Taliyaha iyo Guddida ayaa isla naaqishay xeerka waxaana kulankaasi ku soo dhamaaday jawi is afgarad.
Xeerka Ciidanka Dab-demiska ayaa horyaala golaha guurtida, kaasi oo uu gudoomiyaha Guurtida u xil saaray guddidan inay ka soo shaqeeyaan xeerkan, isla markaana ay maalinta Salaasada ah dib ugu soo celiyaan golaha, si ay waajibaadkooda uga gutaan.