Somaliland oo si weyn looga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Kansarka Adduunka

0
50

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL ayaa soo qabanqaabisay munaasibad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Kansarka adduunka, taasi oo dunida laga xuso sannad kasta 4/1/2024.

Munaasibada Xuska maalinta Kansarka aduunka ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Soamliland, waxaana lagu qabtay Cisbitaalka guud ee Hargaysa, halkaasi oo ay ka soo qayb galeen Dhakhaatiir iyo hawl wadeeno badan oo caafimaad.

Munaasibadana ayaa waxa aad loogaga hadlay wax yaabaha keena xanuunka Kansarka oo Bulshada ku soo badanaya iyo astaamaha lagu garan karo.

Agaamiha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ayaa aad uga waramay kuna dheeraaday sababaha bulshadeena ku keena Kansarka oo uu ka waramay in waxyaabaha ugu yar yar ay yihiin cuntada joogtada ah ee sadexda wakhti la cuno wax isku mid ah muddo badan, taasi oo ugu danbayn qofka ku sababi karta Kansar maadaama aanay dheelitirnayan, sidoo kale waxa uu sheegay in sababaha ugu badan ee keena ay ka mid tahay isku buuqa qofka ku dhaca oo iyadana ah waxyaabaha keena Kansarka ee aanay bulshadu ku baraarugsanayn, intaasi waxa u uku daray Agaasimuhu in sababaha keena Kansarka ay ka mid yihiin Miisaanka qofka oo aad u kordha, daawooyinka, cuntooyinka qasaacadaysan.

Munaasibada Xuska maalinta Kansarka aduun ayaa waxa ay u badnayd wacyigalin aad laaga hadlayay dhibaatada uu dadkeena ku keeno xanuunka Kansarka iyo waxyaabaha looga hortagi karo iyo in bulshadu ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xanuunka Kansarka haday tahay cuntooyinka qaar iyo haday tahay daawooyinka la isticmaalo ama fikirka iyo isku buuqa.