Wasaarada Horumarinta Maaliyada oo Abaal-marisay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sannad-kii 2023

0
224

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa abaalamrisay shaqaalihii ugu wanaagsanaa xagga shaqada ee sannadkii tegay ee 2023-kii. Waxaana xafladii abaalmarinta ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, easiir ku-xigeenka wasaaradaasi, agaasimaha guud, iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda dawladda Somaliland Khaalid Qodax, iyo guddoomoyaha haayadda maamul wanaaga Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Shaqaalahan la abaalmariyay oo tiradoodu dhamayd 150 qof, ayaa ka mid ahaa shaqaalaha loo aqoonsaday kuwii igu wanaagsanaa, uguna dedaalka badnaa sanadkii tegay ee 2023-kii.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa ku bogaadiyay dedaalka, iyo hawl karnimadda ay muujoyeen shaqaalaha la abaalmariyay.

Waxaanu yidhi “Waxaynu abaalmarinaynaa intii tacabka dheeraadka ah muujisay, ee la soo xulay. Waxaynu uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee ay u shaqeeyeen. Waxaynu dhiiri gelinaynaa inta aan ku guulaysan, ee daba joogta, laakiin aynu abaalmarin doono sanadaha soo socda”.

“Waxa kaloo ayni dhiiri gelinaynaa inta kale ee munaasibadan shaashadaha ka daawanaysa. Intii ku guulaysatay waxaynu leenahay halkaa ka sii wada, inta kalena waxaynu leenahay ku dayda” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Xuseen Mu’adinka, oo isna madashaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la abaalmariyo.