Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo Daah-furay Mashruuc lagu Daweynayo Xoolaha Dalka

0
133

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay in xoolo dhan toddoba boqol iyo konton kun oo neef, la daweyn doono.

Sidoo kale waxa uu xusay inay ka faa’ideysan doonaan koob iyo toban kun laba boqol iyo koob iyo lixdan qoys, waxaanu intaas ku daray in gaadiidka ka hawlgalaya ay yihiin 56 gaadhi, sidoo kalena dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaala ay qayb ka yihiin.

Wasiirka waxa uu intaas raaciyay in la daweyn doono xoolaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Waxaanu yidhi.“Muddo bil ah in 25 Kooxood aynu diro kuwaas oo soo daaweyn doona xoola dhan toddoba boqol iyo konton kun oo neef, waxaana ka faa’ideysan doona koob iyo toban kun laba boqol iyo koob iyo lixdan qoys, oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland, hawshaasina laga fulin doono guud ahaan gobollada dalka oo dhan, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaashuna ay ka qayb geli doonaan, gaadiidka ka hawlagala waa 56, waxa iyaguna jiri doona kooxihii kormeerka iyo kuwii kaalmeynayay, wacyigelintuna way soo dhammaatay,”