Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo Kormeeray Habsami u Socodka Hawlaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

0
156

Hargeysa (Dawan) Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi iyo agaasime waaxeedka maamulka iyo lacagta ee wasaaraddaasi Cabdiqaadir Cabdillaahi Jeex ayaa shalay kormeer xogogaal u noqosho ah ku soo maray xarunta guud ee Xafiiska Gudidda Imtixaanaadka iyo Shahaado bixinta Qaranka JSL.

Wasiir kuxigeenka iyo madaxda la socotay, waxa xafiiska imtixaanaadka ku soo dhaweeyey, guddoomiyaha xafiiska Daa’uud Axmed Faarax iyo ku xigeenkiisa Xasan Muxumed Qalinle, waxaanay xog waran buuxa ka siiyeen habbsami u socodka hawlaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo kullankaa ka hadlay ayaa sheegay in booqashada wasiir ku xigeenka uu ku faraxsan yahay.

Waxaanu yidhi “Mudane Wasiir kuxigeen waxa noo farxad ah, in aad nagu soo booqato xarunta guud ee Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaado bixinta Qaranka JSL, si aad xog-ogaal ugu noqoto hawlaha uu Qaranka u hayo xafiisku, waanu kugu soo dhaweynayna xafiiska imtixaanaadka Qaranka oo hawlo mihiima uhaya qaranka iyo bulshada”

Wasiir ku xigeenka ayaa kormeerkiisa ku soo maray qaybaha kala duwan ee xafiiska imtixaanaadka Qaranku ka kooban yahay, waxaanu mid mid warbixin uga dhageystay madaxdii iyo masuuliyiintii uu kula kulmay.

Gaba-gabadii wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi ayaa uga mahadnaqay madaxda iyo shaqaale weynaha xafiiska imtixaanaadka sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeeen xafiiska imtixaanaadka iyo shahaado bixinta Qaranka JSL, waxaanu sheegay in ay ku dedaali doonaan sidii loo sii horumarin lahaa guud ahaan xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo hawlaha ay qaranka u hayaan ba.