4 Caado Oo Lagu Yarayn Karo Halista Cudurka Kansarka

0
92

Qormadeena Labaad ee Barnaamijka Caafimaadka ee Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku eegi doonaa 4 caado oo haddii aad samayso noloshaad ka dhigaysa mid ka badbaadaysa halista cudurka Kansarka oo galaaftay nolosha malaayiin qof.

Inta aynu Qormadan ku jirno waxa aynu faahfaahin doonaa wax yaabaha laga qaado cudurka Kansarka, sidee uga hortagi kartaa ama aad uga badbaadi kartaa cudurkan halista badan ee Kansarka.

Waxa aynu ka bogan doonaa caadooyin noloashaada u wanaagsan oo aad kaga fogaan karto Kansarka haddii aan la timaado ama aad ku dhaqanto.

Haddaba Kansarku waa cudur halis badan oo saameeya nolosha malaayiin dadka dunida ku nool ah. Magaca kansar waxa loo isticmaalaa in ka badan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo u tarma si aan caadi ahayn.

Sababo kala duwan ayaa keena cudurkan waxaana ka mid ah dhaxal, sababo deegaanka ah iyo kuwo la xiriira qaabka nololeedka. Inkasta oo sababaha qaarkood aynaan koontarooli karin haddana isbedello yar yar oo togan oo aynu ku samayno nolol maalmeedkeenna ayaa kaalin mug leh ka qaadan kara yaraynta halista cudurka kansarka.

Hadaba waxaan casharkan ku soo qaadanaynaa caadooyinka u fiican caafimaadka kuwaas oo wanaajinaya fayow-qabka guud ee qofka islamarkaana yareeya halista noocyo ka mid ah cudurka kansarka.
Waa kuwan 4 isbedel oo aad ku samayn karto noloshaada maalinlaha ah si aad u hoos u dhigto halista kansarka:

Ku dedaal cuntooyinka dhirta:

Mid ka mid ah hababka ugu fudud islamarkaana ugu waxtarka badan waa la in joogteeyo cuntooyinka dabiiciga ah ee dhirta. Ku darso furuutka, khudradaha iyo badarka cunnadaada maalinlaha ah. Cuntooyinkani waxa ay hodan ku yihiin nafaqooyin, maadooyinka sunta ka saaro jirka iyo gan kuwaas oo door muhiim ka ciyaara taageeridda caafimaadka guud iyo hoos u dhista noocyo ka mid ah cudurka kansarka.

Jimicsi joogto ah:

Firfircoonida jireed iyo jimicsiga joogtada ahi waa hab awood badan oo kansarka looga hortago. Jimicsiyada fudud sida socodka, ruclaynta iyo baaskiil kaxaynta waxay saamayn togan ku yeelan karaan caafimaadkaaga waxayna yareyn karaan halista kansarka. Ma ahan oo keliya in jimicsigu uu ilaaliyo miisaanka caafimaadka leh balse wuxuu kaloo taageeraa xoojinta difaaca jirka, yaraynta hurka, kobcinta dheelitirka hormoonnada arrimahaas oo dhammaantood ka qayb qaata hoos u dhigista halista kansarka.

Ka ilaali maqaarkaaga qorraxda badan:

Kansarka maqaarku wuxuu ka mid yahay noocyada kansarka ee laga hortagi karo. Ka ilaali maqaarkaaga fallaaraha cadceeda ee dhibaatada leh ee loo yaqaanno “Ultraviolet” (UV) rays, adiga oo marsanaya kareemka jirka ka ilaaliya dhibaatada qorraxda ee leh ugu yaraan SPF 30, in inaad meel hoos leh harsato xilliyada ay qorraxda aadka u kulushahay. Si joogto ah maqaarkaaga u eeg, haddii aad ku aragto burooyin aan caadi ahayn, ama isbedello la xiriir dhakhtarka maqaarka (dermatologist).

Ka fogoow sigaar cabbista:

Tubaakadu waa shayga ugu wayn ee laga hortagi karo ee sababa cudurka kansarka. Sigaar cabbista oo la joojiyo waa tallaabo muhiim ah oo lagu yarayn karo noocyo ka mid ah cudurka kansarka sida kansarka noocyadiisa ku dhaco sambabada, hunguriga iyo kaadihaysta