Qisaska Maadda ah Ee Shuucyidda

0
88

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha ayaa booqasho ku tegay suuqa hilibka ee dalkiisa. Suuqa wuxu ahaa mid nadiif ah oo si fiican u nidaamsan.

Intii uu ku jiray kormeerka suuqa, waxa uu la kulmay Hilible waxaana uu ku yidhi :” Hilibkaagu wuu wanasgan yahay, ka waran iibka”?

Hiliblaha: fiican, laakiin saaka xataa hal kiilo maan iibin.

R/wasaaraha:Maxaa dhacay?

Hiliblaha: Booqashada awgeed dadka looma ogolaan inay suuqa soo galaan.

R/wasaaraha: Hadda, aniga iga iibi 4 kiilo.

Hiliblaha: Kaama iibin karo.

R/wasaaraha: Waayo, maxaa dhacay?

Hiliblaha :Waxan nalag ururiya midiyihii booqashad awgeed.

R/wasaarah: Qaybtaaba iga iibi, middi uma baahnide.

Hiliblaha: Kaama iibin karo.

R/wasaaraha: Waayo maxaa dhacay?

Hiliblaha : Anigu hilible miihi, waxaan ahay askari ciidanka ah.

R/wasaara: wuu cadhooday waxaan uu ku yidhi iigu yeedh taliyahaag?

Hiliblaha : Isaguna waa ka inaga soo horjeed ee kaluunka iibinaya.

Waa qaabka khayaaliga ah ee shuuciyadda maamulkeedu yahay, ninkan askariguna xaqiiqda ay Meesha taallay ayuu cadeeyay.