Hay’adda Al-Raxma oo Ceel Biyood Riig ah Ka Hirgelisay Degmadda Garbo-dadar ee Gobolka Selel

0
124

Garbo-dadar (Dawan): Haayadda khayriga ah ee Al-Raxma, ayaa ceel biyood ka hirgelisay deegaanka Qudhaanjaale, oo ka tirsan degmadda Garbo-dadar ee gobolka Selel.

Ilma Xasan Cali Ducaale, ayaa u waqfay ceel biyoodkani aabahood, Xasan Cali Ducaale, iyo hooyadood Sahra Cali Bede, oo labadooduba geeriyooday.

Ceel biyoodkani ayaa la tilmaamay mid baahi weyn ay u qabeen dadka deegaanka Qudhaanjaale, iyadoo sidoo kalena ay ka faa’iidaysanayaan xoolaha, iyo beeralayda deegaankaasi.

Axmed Cismaan Cabdi, oo ka tirsan masuuliyiinta haayadda Al-raxma, ayaa ka warbixiyay ceel biyoodkani ay ka hirgeliyeen deegaanka Qudhaanjaale, ee degmadda Garbo-dadar.

Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka daah-furaynaa ceel biyood waqfi ah, oo ay soo bixiyeen ila Xasan Cali Ducaale. Waxaanay u soo bixiyeen hooyadood, iyo aabahood”.

“Ceel biyoodkani waa mid deegaankani looga baahnaa, oo dadka deegaanka oo dhinacna beeralay ka ah, ayaa uga faa’iidaysanaya beeraha, iyo dhinaca dadka, iyo xoolaha ba, oo ka cabaya” ayuu yidhi Axmed Cismaan, oo ka socday haayadda Al-Raxma.

Eng. C/raaan C/laahi Ciise, oo ay shirkadiisa Kaahin Comstruction dhistay ceel biyoodkani ayaa isna sheegay in ceelkani ay baahi badan u qabeen bulshadda deegaanka Qudhaanjaale.

Waxaanu iga mahad celiyay bulshadda deegaankaasi sidii wanaagsanayd ee ay ula dhaqeeyeen mudadii ay shirkadoodu ku hawlanayd qodista ceelkaasi.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ceelkani waa mid baahi badan loo qabay, oo ay u baahnaayeen bulshadda deegaankani. Dadka deegaankani sidii wanaagsanayd ee ay noola shaqeeyeen waan uga mahad celinaynaa”.

hinaca kale dadka deegaanka Qudhaanjaale, oo ka tirsan degmadda Garbo-dadar ee gobolka Selel yaa u duceeyay waalidiintii ila Xasan Cali Ducaale, oo iyagu wakhfi u soo bixiyay dhaqaalaha lagu qoday ceel biyoodkani, iyo waalidkood oo ay u waqfeen ba.

“Waan ka mahad naqaynaa ceel biyoodkani la noo qoday. Dad fara badan, iyo xoolo, iyo beeraha ayaa looga faa’iidaysanayaa. Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa kuwa soo bixiyay, iyo kuwa noo qodayba” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka Qudhaanjaale, ee degmadda Garbo-dadar, ee gobolka Selel.