Yurub diyaar ma u tahay suurtagalka Trump oo dib u soo laabta?

0
89

Xulafada Maraykanka ee Yurub ayaa ka doodaya sidii loogu diyaar garoobi lahaa in Donald Trump uu mar labaad u tartamo Aqalka Cad ka dib markii uu xaqiijistay guulo taariikhi ah oo ka dhacay gobolo Maraykanka ah oo ka guulaystay tartamayaashii Jamhuuriga, isaga oo caddeeyay inuu yahay musharaxa ugu cadcad ee la tartami doona Joe Biden doorashada November.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shir jaraa’id kaas oo laga sii daayay telefishinka ayaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada soo laabashada Trump, waxa uu sheegay in Yurub ay tahay in loo diyaar garoobo.

“Weligay waxaan lahaa falsafad,Waxaan qaataa hoggaamiyeyaasha danta u ah dalkayga. Waxaana iga go’an inaan u adeego Faransiiska iyo danihiisa iyo inaan wada hadal la yeesho cidda ay doonto. Waxaan gaadhnay natiijooyin, waxaan wali sameyn karnaa waxyaabo muhiim ah si wadajir ah, “ayuu yidhi Macron.

“Maraykanku]waxay wadaagaan qiyam,  waxay mudnaanta koowaad u ah danaheeda gaarka ah, mudnaanta labaad waa arrinta Shiinaha. Reer Yurub ahaan, waa inaan ku qanacsanahay arrimahayga, waxaan doonayaa Yurub xooggan oo is difaaci karta oo aan ku tiirsanayn cid kale,” ayuu yidhi madaxweynaha Faransiiska oo saxaafadda kula hadlay magaalada Paris.

Macron iyo Trump ayaa lahaa xidhiidh aan wanaagsaneyn intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee xafiiska. Ololaha Iowa ee bishan, madaxwaynihii hore ee Maraykanku waxa uu u muuqday mid ku jeesjeesay lahjadda hoggaamiyaha Faransiiska, taas oo ka farxisay taageerayaashiisa – taas oo xasuusinaysa hab-diblomaasiyadeedkii aan caadiga ahayn ee Trump.

Yurub waxay leedahay walaac ka weyn siyaasadda shakhsi ahaaneed.  Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa dhacay intii uu maqnaa Trump, Kyiv waxay si degdeg ah ugu baahan tahay gargaar milatari oo reer galbeed ah.

Trump ayaa sheegay inuu raadin doono heshiis nabadeed oo degdeg ah oo dhex mara Ukraine iyo Ruushka. Taageerayaashiisa xisbiga Jamhuuriga ee Congress-ka ayaa hor istaagaya ilaa 50 bilyan oo doolar oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Kyiv. Xulafada NATO waxay ka walaacsan yihiin in gargaarku uu gabi ahaanba meesha

Doorashada Maraykanka ee 2024 hadii uu ka soo baxo madaxweyne Maraykan ah oo dhab ahaantii ka soo horjeeda danaha Ukraine iyo danaha Yurubwaxay noqon doontaa dharbaaxo weyn waana ta hadda la leeyahay ha loo diyaar garoobo. Waxa kale oo laga werwerayaa haduu Trump soo baxo cubnimada NATO ee Maraykanka.

Kulan ka dhacay hoolka magaalada todobaadkii hore, Trump waxa uu diiday in uu u ballan qaado xubinnimada Maraykanka ee NATO markii labaad ee xafiiska markii uu waydiiyay martigeliyaha Fox News.

“Waxay ku xidhan tahay haddii ay nala dhaqmaan si sax ah,” ayuu yidhi Trump. NATO waxa ay ka faa’iidaysteen dalkeena” ayuu ku daray.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Thierry Breton ayaa bishan sheegay in Trump uu yidhi 2020-ka in Maraykanka aanu waligiis caawin doonin Yurub haddii ay la kulmaan weeraro iyo inuu ka bixi doono NATO. Saraakiisha Trump kama aanay hadlin sheegashada Breton.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa si joogta ah u dalban jiray in xulafada Maraykanka ee NATO ay wax badan ku bixiyaan difaacooda. Alexander Stubb, oo ah musharraxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee soo socota ee Finland – xubinta cusub ee NATO – ayaa sheegay in Trump uu saxan yahay.

“Waxaan u baahanahay NATO oo Yurub ka badan,” Stubb ayaa u sheegay Reuters mar uu ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee sanadlaha ah ee Davos, Switzerland. “Waxay ila tahay in Maraykanku aanu naga tagi doonin cidlo, laakiin mar walba waa faa’iido leh in aan u diyaargarowno xaaladda ay tahay in aan qaadno mas’uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan difaaceena. Waxaanna u maleynayaa in Maraykanku ku saxsan yahay arrintaas.”

Yurub waxay wax badan gelinaysaa difaaca, oo ay ku jiraan kor u qaadista rasaasta iyo wax soo saarka hubka ee Ukraine. Laakiin beddelka doorka dhexe ee Maraykanku ka qaatay Ukraine ee Madaxweyne Biden waxay qaadan doontaa waqti – wax Kyiv aanu haysan.