Mashaariic Horumarineed oo Xukuumadda Somaliland ka Hir-galiysay Gobolka Selel

0
126

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Saylac (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Bangiga-dhexe, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Badhasaabada Gobolada Awdal iyo Sallel, Maayirka Degmada Saylac iyo masuuliyiin kale ayaa si rasmiya xadhigga uga jaray dhismayaal laga hir-galiyey magaalooyinka Saylac iyo Lawyo-Cado.

Mashaariicdan oo qayb ka ah mashaariic door ah oo Gobolka Salel ay xukuumadu Jamhuuriyadda Somaliland ka hir-galisay ayaa waxa wajigoodii 1aad xadhiga laga jaray shantan mashruuc, mashaariicdaasi horumarineed ee xadhiga laga jaray ayaa waxa ka mid ahaa:-

  1. Dhismaha Laanta Bangiga Saylac.
  2. Dhismaha Xarunta Xisaabaadka Guud ee Gobolka Salel.
  3. Dhismaha Hangarka Baddeecaddaha ee kastamka Saylac.
  4. Dhismaha laanta Booliska ka Lawyocado.
  5. Mishiin casri ah oo lagu soo kordhiyey Kastamka Lawyo-Cado, kaasi oo loogu talogalay in lagu hubiyo badeecaddaha Dalka ka soo galaya dhinaca Jamhuuriyadda Djibouti.

Weftiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa noqoday mid ay aad ugu farxeen bulshada ku nool gobolka Salel, kuwaasi oo mashaariicdii ugu tirada badnaa ee laga hirgaliyo gobolka Salel xadhiga ka jaray.

Gobolka Selel oo ku yaal marin muhiim ah oo isku xidha dalalka Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxa uu baahi wayn u qabay Mishiinka casriga ah ee lagu kordhiyay Kastamka Lawya-cado kaasi oo loogu talogalay in lagu hubiyo badeecadda dalka ka soo galaysay dhinaca dalka Jabuuti, taasi oo wax wayn ka tari doonta hubinta tayada alaab kasta oo dalka ka soo galaysa dhinaca Jabuuti.

Sidoo kale mashaariicda muhiimka ah ee gobolku aadka ugu baahnaa ayaa waxa ka mid ah oo xadhiga isna laga jaray laanta Booliiska Lawya-cado oo iyadana aad loogu baahnaa maadaama ay magaaladu tahay meel xuduud ah oo loo baahan yahay meel rug u ah ciidanka Booliska Somaliland.