Muuqaalka Guud Haku Degmin!

0
130

Maalin ayay lamaane xaas ahi booqasho ku tegeen beerta xayawaanka lagu xanaaneyo si ay usoo daawadaan.

Gabadha Xaaska ah ayaa aragtay Daayeer lamaane ah oo ay wada ciyaaraya, waxayna tidhi :” Aad bay isu jecel yihiin , maxaa kal gacal ka dhexeeya ?”.

Markii ay dhinaca kale usoo wareegeena waxay  aragtay Libaax iyo goosha oo laba meelood kala fadhiya oo labaduba aamusan isla markaana aad moodo inay isu cadhoonayaan, waxayna mar kale eryo ku cabirtay muuqaalka iyadoo tidhi :” Maxaa meeshan Muruga ka dhacday ! ”.

Intaasi ka dibana Odaygeed ayaa ku yidhi “ Soo qaado quraaradan oo iska dhig mid ku tuuraysa dhanka Goosha ka dibna eeg waxa dhaca ” , markii ay sidaasi samaysay ayuu  libaaxi intuu usoo cararay dhinaca Goosha aad u qayliyay oo doonayay inuu iskaga dhigo quraarada, si uga difaaco. Waana uu isku hareereeyay difaaceeda awgeed.

Haddana sidan oo kale ku same Daayeerka ayuu ku yidhi odaygeedu , sidii ayay haddana samaysay markaasi ayuu Daayeerkii ninka ahaa ka cararay xaaskiisa isaga oo ka baqanaya in Quraarada ku dhacdo.oo aan dan ka gelin Dayeerada.