Taallada Dhiirigelinta Saboolka!

0
93

Dalka Jorjiya waxa ku yaalla taallo loo sameeyay sida qofka oo kale. Taalladan ayaa u samaysan sida qof dawarsanaya oo gacantiisu fidsan tahay. Waxaana taalladan lacagta gacanteeda dhiga dadka hantida leh iyo kuwa doonaya inay sadaqad bixiyaan, iyadoo marka danbe loogu talo galay in dadka masaakiinta ahina ay halkaasi ka qaataan iyadoo aan la garnayn.

Sababta sida loo sameeyay ayaa la sheegay inay tahay in dadka saboolka ah ee hantiilayaashaย  hor imanaya ee wax weydiisnaya laga ilaaliyo xaqiraadda iyo in la yaso oo iyaguna isu arkaan dad hoose, taasi oo dadka qaarkood ku keenta iyagoo baahan in ay ku dhici waayaan in wax weydiistaan bulshada kale ee awoodda wax bixinta. Dhinaca kale waxa la sheegay inay muhiim u tahay aan wadooyinka lagu arag dad dawarsanaya iyagoo ka qaadanaya halka loou talo galay.