Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha oo jawaab ka Bixiyay hadal ka soo Yeedhay Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka

0
82

Hargeysa(Dawan):Wasiirka  Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadalo  ka  soo  yeedhay Xidhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo ka soo horjeestay  heshiiskii  isafgarad ee   Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdinaasir Muxumed Xasan oo  shalay Warbaahinta la  hadlay ayaa uu  sheegay in  Gobalada  Awdal  iyo Selel  in aanay ku metalin  hadalada ka soo yeedhay Xildhibaanadaas.

Cabdinaasir   Buuni oo Arimahaa ka  hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa  ka dhashay heshiiskii taariikhiga ahaa ee isafgarad ee   Somaliland iyo Itoobiya   cadawtinimo  iyo cadaawad soo jireen ah,oo ay  wadaan nimankaa  Soomaaliya ee aynu  kala  baxnay.nimanka   Saddexda   qof  ee hadlay ee ka  soo  kala  jeeda Golaha Wakiilada iyo Golaha   Guurtida ee  sheegay in ay ka soo  hor  jeedaan heshiiskii  isafgarad ee   Somaliland iyo Itoobiya.ma metalaan Gobolada Awdal iyo Selel meel  arintaa lagaga tashadayna ma jiraan meel ay  wakiil  kaga  yihiina   ma jirto,”