Golaha Wakiillada oo Meel-mariyey Xeerarkii Isa-saarka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

0
182

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha wakiillada JSL, oo uu shir-guddoominayay gudoomiyaha golahaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon, ayaa markii uu fadhiga goluhu furmay, waxa uu xildhibaanada ku wargeliyay in la ansixinayo xeerarkii isa-saarka doorashooyinka.

Fadhiga golaha oo ay ka soo xaadireen 73 Mudane, Guddoomiye Fartoon, ayaa codgeliyay xeerka ururada iyo asxaabta siiyaasada Xeer Lr.14/2023, isla markaasna ku dhawaaqay natiijadii codeynta, 59 xildhibaan ayaa ogolaaday, 12 mudane ayaa diiday, cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayuu ku ansaxay.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu codgeliyay Xeer Lr. 91/2023, kaas oo ay u codeeyeen ama ay ogolaadeen 58 Mudane, 12 Mudane ayaa diiday, cidka aamustay majirino, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayuu ku ansaxay.

Xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland, ayaa xeerarkan isa saarka doorashooyinka ugu codeeyay sidii uu golaha guurtida kaga soo gudbay, kadib markii ay dorraad cod aqlabiyada ku meel mariyeen golaha guurtidu.

Markii codeyntu dhammaatay xildhibaano kala duwan ayaa soo dhaweeyay meelmarinta xeerarkaasi, waxaanay ku tilmaameen guul u soo hoyatay Qaranka JSL.