Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed oo Qaaadacay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka JSL

0
108

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed mudane Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi Darawal) ayaa ka soo hor jeestay, isla markaana qaadacay Xeerkii Isa-saarka ah ee Doorashooyinka Somaliland oo ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiillada).

Guddoomiye Cabdilaahi Xuseen Iimaan oo shalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin meel lagaga heshiiyay Xeerka Isa-saarka Doorashooyinka Somaliland, isla markaana aanay aqbalaynin ilaa lagu soo celinayo sharciyada.

Cabdilaahi Xuseen oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xeerkii Golaha Guurtida ansixisay ee la yidhi laba guddi ayaa ku soo heshiiyay, waxaan leeyahay meel qaranku kaga heshiiyay garan maayno, waxaanan u arkaa in Golayaasha sharci-dejinta (Baarlamaanka) aanay gacanta qaranka ku jirin.”

Cabdillaahi Darawal ayaa arrintan ku tilmaamay mid ayaan darro ah, waxaanu yidhi “Waa ayaan darro kuwii gacanta u taagay ayaa qaylinayay. Maalintii loo diyaar garoobay Doorashada Ururada Siyaasada ayaa odayaal la dhaqdhaqaajiyay, sidaas darteed aniga iyo inta ila mawqifka ah ee Ururada Siyaasada Somaliland waxa aanu qabnaa dalka ka dhici mayso doorasho aanaan talo ku lahayn, in badan ayaa dushayada lagu hanjabay, waxaanu leenahay ka dhici mayso doorasho. waxa la wadaana waa qaran dumisnimo, labada gole qaran wixii la doono ayaa laga ansaxsanayaa, waxa ay ka guureen nidaamkii Golayaasha oo wax laga doodayaa ma jirto.”.