Muhiimada Seereyaasha iyo Wasaarada Deegaanka oo Qabatay Harimacadyo Sharci Darro ah oo la Dhoofinaayay

0
97

Qormadeenii todobaadkii hore waxaynu ku soo qaadan doonay warbixin ka hadlaysay muhiimadda ay seereyaashu leeyihiin.

Taasoo aan kaga soo hadalnay tiradda seereyaasha ay wasaaradda Deegaanka Somaliland gacanta ku hayso, iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaaradaasi oo ka warbixinayay sida ay dadka xoolo dhaqatada ahi uva faa’iidaysteen seereyaasha xiliyada Jiilaalka ah.

Hadaba qormadeena todobaadkana waxaynu ku soo qaadan doonaa qayb kale oo ka mid ah warbixintii ku saabsanayd seereyaasha dalka ee ay gacanta ku hayso ama maamusho wasaarada Deegaanku.

Sidoo kale qaybta labaad ee qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa Harimacadyo si sharci daro ah looga gamacsanayay oo ay soo qabatay wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Aan soo qaadano qaybta koowaad ee qormadeenan maanta oo ku saabsan Seeraha Ban-cawl, oo ku yaalla gobolka Togdheer, kaasoo uu ka warbixinayo maamulaha wasaaradda Deegaanka ee Burco Maxamed Ismaaciil Cilmi, waxaanu yidhi “Wasaaradda Deegaanku muddo shan sanadood ah waxay ku hawlanayd xidhitaanka seereyaasha.  Seerahan Ban-cawl na wuxuu ka mid yahay seereyaashii ugu horeeyay ee dalka laga xidho. Mudadda shanta sanadood ah ee ay wasaaradu xidhaysayna waxaa ku bad-baaday xoolo fara badan. noocyadii kala duwanaa ee Cawska, iyo dhirta kale ahaa ee halkan ka bixi jirayna dib ayay ugu soo noqdeen”

Waxaanu intaas raaciyay “Waxyaabaha laga qabtay seerahan Ban-cawl waxaa ka mid ah in laga sameeyay biyo-xidheeno waaweyn, si biyaha dhulka nabaad guurka ku keenya loo joojiyo.  Seerahan waxaa ka shaqeeya 30 qof oo shaqaale ah, 30-kaa qof waxay ka kala yimaadeen 11 tullo oo seeraha hareerihiisa ah. Kuwaasoo qolo waliba ay dhinaceedda ilaalisaa, si aanay xooluhu u soo gelin”ayuu yidhi maamulaha wasaaradda Deegaanka ee gobolka Togdheer.

Mid ka mid ah shaqaalaha seeraha Ban-cawl, ayaa isna ka warbixiyay waxaanu yidhi “Seerahan in ay xidho dawladu way ku mahadsan tahay, anaguna haddii aanu shaqaalaha nahay waanu ku rgarabsiinaa. Marka ay biyuhu yaacaana biyo-xidheeno ayaa loo samayn jiray. Seerahan Ban-cawl, faa’iido badan ayuu u leeyahay xoolaha iyo deegaankaba. Kaasoo loogu tallo galay in ay xooluhu ku baxsadaan xiliga Jiilaalkii, ee Daaqa dhulka kale la laasto, in ay u noqdaan kayd. Waxa kaloo soo noqday Siidhkii cawska, ee dhulka ku yaalay, dabadeedna sidaas ayuu u anfacay, coolo dhaqato badan oo deegaankan ku nool, markaa sidaas ayaanu ugu faraxsan nahay”.

Seeraha Dulcad, waxa uu ku yaallaa gobolka Daad-madheedh, waxaanu ka mid yahay seereyaasha ay wasaaradda Deegaanka Somaliland xidhay sanadkii 2023-kii, waana seere-xiliyeed saddexdii bilood ba mar la xidho, marna la furro, si ay xooluhu ugu baxsadaan xiliyadda Jiilaalka, iyo Xagaaga.

Wixii ka danbeeyay markii seerahani la xidhay, waxa uu isbedel weyni ku yimid markii la xidhay, iyadoona ay dib u soo noqdeen cawskii, iyo dhirtii kale ee hore halkaa uga bixi jiray.

Cabadikhadar Odowaa Xaaji Abokor, isuduwaha wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland ee gobolka Daad-madheedh, ayaana ka warbixiyay isbedelka weyn ee muuqda ee seerahaasi ku yimid kadib markii la xidhay.

Waxaanu yidhi “Seerahan Dulcad, ee gobolka Daad-madheedh, waxaanu xidhnay sanadkii hore ee 2023-kii, waaxaananu wejigiisii koowaad ka xidhnay tuuladda Goroyo Ood, Boodhlay, iyo Xeeg. Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladu aad iyo aad bay ugu dedaashay, waa sanadkii labaad ee uu xidhan yahay seerahani, waana seere xiliyeed saddexdii bilood ba marna la xidho, marna la furro, oo ay xooluhu xiliyadda Jiilaalka ah ay ku baxsadaan”.

Qaybta labaad ee qormadeenan DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa Ciidanka saldhiga degmada Axmed Dhagax, ee caasimadda Hargaysa, ayaa gacanta ku soo dhigay 6 eedaysane, laba Harimacad oo ay ka ganacsanayeen oo ay doonayeen inay dalka ka dhoofiyaan iyo gaadhigii lagu siday.

Haramicadyadan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka saldhiga booliska degmada Axmed Dhagax iyaga oo kaashanaya ciidanka Xuuranka.

Taliyaha saldhiga degmada Axmed ayaa sheegay in degaanka Baliga-cas laga soo qabtay Harimacadyadan iyo raggi watay, waxaanu intaas ku daray inay usuuragalisay wada shaqaynta ay bulshada la leeyihiin, waxaanu ku ammaanay bulshada sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada.

Waxaanu yidhi “Qaybta ii qaabilsan xuuranka ayaa soo sheegay Harimacadyadan aanu soo qabanay, degaanka Baliga-cas ayaanu ku soo qabanay, waxa kale oo aanu ku soo qabanay 6 maxbuus oo siday labadan Harimacad, waxaanay u siteen labada Harimcad ganasci ahaan, waxaanay doonayeen inay geeyaan xeebta inta kadibna ay sidaasi ku gudbiyaan, gaadhigii lagu siday oo Indha-cade ahaana waanu soo qabanay, bulshada ayaa aad noogala shaqayay soo qabashada Xayawaankan, bulshada waxaan leeyahay waa Khayraadkii dalkeena cid idinka lihi majirto ee aan wada ilaashano, balse in aynu lacag ku soo beddelano aad ayay mushkilad u tahay”.

Waxaanu ku ammaanay bulshadda sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada booliska.

Waxaanu yidhi “Qaybta ii qaabilsan Xuuranka (wardoonka), ayaa soo sheegay Harimacadyadan aanu soo qabanay, degaanka Baliga-cas ayaanu ku soo qabanay.

Waxa kale oo aanu ku soo qabanay 6 maxbuus oo siday labadan Harimacad. Waxaanay u siteen labada Harimcad ganasci ahaan. Waxaanay doonayeen inay geeyaan xeebta, inta kadibna ay sidaasi ku gudbiyaan. Gaadhigii lagu siday oo Indha-cade ahaana waanu soo qabanay”.

“Bulshadda ayaa aad noo gala shaqaysay soo qabashada xayawaankan. Bulshada na waxaan leeyahay waa Khayraadkii dalkeena cid idinka lihi ma jirto ee aan wada ilaashano, balse in aynu lacag ku soo beddelano aad ayay mushkilad u tahay” ayuu yidhi taliyaha saldhiga booliska degmadda Axmed Dhagax, ee caasimadda Hargaysa.

Geesta kale taliye ku-xigeenka qaybta booliska ayaa isna hawl galkaasi ka war bixiyay. Waxaanu yidhi “Hawl gal ay ciidanka boolisku ka sameeyeen xaafada Axmed Dhagax, waxa ay ku soo qabteen laba Harimacad oo yar yar oo ganacsi ahaan loo watay, waxa laga soo qabtay Baliga-cas, eedaysanayaashi lagu soo qabtay na waa la hayaa, sharciga ayaa la horgayn doona”.