Wasiir Hore iyo Xeer Ilaaliyihii Hore ee UK oo Ingiriiska iyo Maraykanka ku Booriyay Aqoonsiga Somaliland

0
123

Hargeysa (Dawan)- Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga dalka Ingiriiska Gavin Williamson iyo xeer- ilaaliyihii guud ee hore ee dalkaasi Michael Ellis, ayaa ugu baaqay dawaladaha UK iyo Maraykanka inay aqoonsi degdeg ah ugu fidiyaan Somaliland oo fure u noqon karta wax ka qabshada dhibaatada Xuutiyiinut ee badda cas.

Iyada oo mid ka mid ah marinnada Maraakiibta ugu mihiimsan adduunka ay goโ€™doomiyeen Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa Sir Gavin Williamson iyo Sir Michael Ellis waxay ku boorriyeen labada maamul ee Joe Biden iyo Rishi Sunak inay aqoonsadaan Somaliland oo ku taalla goobta Istaraatijiga ah ee gacanka Cadmeed.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska Diblomaasiyadeed ee Washington lagaga doonayo inay raacdo dariiqa boqortoyada Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland oo ah dal hore u ahaan jiray maxmiyad xornimada ka qaadatay dawladda Ingiriiska sannadkii 1960kii.

Geesta kale Sir Gavin Williamson ayaa u sheegay warsidaha Express.co.uk in caalamku hadda u soo jeedsanayo meeqaanka ay caalamka kaga jirto Somaliland.

Sir Gavin Williamson, oo tan iyo markii uu ahaa xoghayaha gaashaanshigga u ololaynayay in la aqoonsado Somaliland ayaa sheegay in dhwaanahan Maraykanku garwaaqsanayo muhiimadda Istraatijiyadeed ee Somaliland iyo doorka laf-dhabarta ah ee ay ka qaadan karaan xiisadda gobolka. Waxaanu yidhi โ€œWaxa muhiim ah in Maraykanka iyo UK si dhakhso ah ugu tallaabsadaan inay aqoonsadaan Somaliland si ay innoogu noqdaan Xulafo innagala shaqaysa sidii nabad iyo deganaansho loogu dabbaali lahaa badda cas iyo meelo kaleba.โ€

Sidoo kale Sir Michael Ellis ayaa sharraxay sababaha kale ee khasbaya in Somaliland aqoonsi loo fidiyo xiligan

Waxaanu yidhi “Somaliland waxa ay ahayd Maxmiyad Ingiriis, iyada oo noqotay dalkii 17aad ee Afrikaan ah ee la siiyo xornimo buuxda sannadkii 1960kii 26 June, balse maalmo ka dib kula midowday Soomaaliya.

Siday doontaba ha noqotee, kaddib sannaddo badan oo cadaadis siyaasadeed iyo mid bulsheed ba ah, Somaliland waxa ay la soo noqotay madax-bannaanideedii sannadkii 1991kii iyada oo adeegsanaysa xuduudeheedii asalka ahaa ee hore ee wakhtigii Maxmiyadda. Geesta kale, adduunayda oo dhammi waxa ay arkaysaa in Somaliland leedahay dawlad shaqaynaysa oo Dimuqraaddi ah, halka Soomaaliya ay la daalaadhacaysay dagaallo sokeeye iyada oo lagu tilmaamo dal fashilmay. Shaxda ay soo saartay Hayโ€™adda Freedom house, ayaa waxa ay dhigaysaa in Soomaaliya tahay dalka ugu hooseeya adduunka dhanka dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda, waxaanay hoy u noqotay Budhcad badeed iyo sida warbixinaha qaar sheegayaan Xuutiyiinta.”

ย