Xukuumada JSL oo Digniin u Dirtay Dhammaan Hay’addaha Gargaarka ee ka Hawlgala Dalka

0
185

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u dirtay dhammaan hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalka, waxaaney fartay in ururada aan dowliga ahayni ee Caalamiga ahi ay la jaan-qaadaan qorshaha guud ee horumarineed ee dalka, isla markaana ay dhiiri-geliyaan u muujiyaan mashaariic wax-ku-ool ah oo la taaban karo.

Sidoo kale waxa ay ku adkeysay in Dhammaan hay’addaha fulinaya mashruuc horumarineed ama gargaarka degdega ah bani’aadamtinimadu ay noqdaan kuwo ka diiwaan gashan xafiiska diiwaangelinta hay’addaha ee wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Geesta kale wasaaradda qorshayntu waxa ay loo shaqeeyayaasha fartay in jagooyinka shaqo ee bannaanaada ee ay buuxin karaan muwaadiniintu, in ay reeban tahay in loo qaato dad aan dalka u dhalan oo

Waxa sidan lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyadda Dawan, waxaanu u dhignaa sidan.

  1. Barnaamijyada ururrada Samafalka aan Dawliga ahayn ee Caalamiga ahi waa inay la jaan-qaadaan qorshaha guud ee horumarineed ee dalka waa inay dhiiri-geliyaan, muujiyaan mashaariic wax-ku-ool ah oo la taaban karo, isla markaasna ay kala shaqeeyaan ururadda Samafalka aan dowliga ahayn ee waddaniga ah deegaannada ay ka hawlgalaan kuna badhi-taaraan xoojinta tayadooda aqooneed iyo wax-qabad si loo helo in barnaamijyadaasu sii socdaan siina waaraan oo isku-fillaansho laga gaadho, sida ku cad faqradda 2aad ee qodobka 35aad ee Xeer Lr. 43/2010.
  2. Dhammaan hay’addaha fulinaya mashruuc horumarineed ama gargaarka degdega ah bani’aadamtinimada waa in ay ka diiwaan gashan yihiin xafiiska Diiwaangelinta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, sida uu dhigaayo xeerka Ururrada Samafalka aan dowliga ahayn ee Xeer Lr. 43/2010, qodobaddiisa 13-aad iyo 28-aad, iyo qodobka 28-aad ee Xeer-Nidaamiyaha Dhismaha wasaaraddaha iyo hay’addaha Xukuumadda Xeer-nidaamiye Lr 01/2018 .
  3. Dhammaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee fulinaya mashaariic horumarineed ama gargaarka degdega ah ee bina-aadamtinimada waa inay shahaadada fulinta mashruuca ay ka qaataan, Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka sida uu dhigaayo Xeerka Ururrada Samafalka aan dowliga ahayn ee Xeer Lr. 43/2010.
  4. Ururrada Samafalka aan dowliga ahayn ee caalamiga ah waa inay dhiiri-geliyaan maal-gelinta ururadda Waddaniga ah ee aan Dawliga ahayn kana fogaadaan inay kula tartamaan hawlaha ay qaban karaan ururaddaasi si loo xoojiyo tayeynta aqooneed iyo wax-qabad ee ururaddaas waddaniga ah, sida ku cad faqradda laad ee qodobka 35aad ee (Xeer Lr. 43/2010).

5 USDAC, waa inaanay mashaariic fuliye u noqon ururrada kale ee Samafalka Caalamiga ah iyo Hay’adaha Qaramadda Midoobay, sida ku cad faqradda 3aad ee qodobka 35aad ee (Xeer Lr. 43/2010).

  1. Waxa ka reeban dhammaan loo shaqeeyayaasha, in jagooyinka shaqo ee bannaanaada ee ay buuxin karaan muwaadiniintu loo qaato ajaanib, sida uu dhigaayo qodobka 34aad, 35aad iyo 36aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah (Xeer Lr 31/2020).