Trump daahfuray kabaha Sneaker Line oo magaciisa lagu xayeysiinayo

0
133

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii daah furay kabo cusub magaciisa lagu xardhay oo loo yaqaan ‘Trump Sneakers’, wuxuu ka daahfuray xaflad lagu qabtay xarunta shirkada ganacsiga ee ‘Sneaker Con’ ee Philadelphia. Tallaabadan ayaa timi maalin uun kadib markii xaakim uu ku amray Trump iyo shirkadiisa in ay bixiyaan ku dhawaad ​​355 milyan oo doolar kiis ku saabsan musuqmaasuqa oo madani ahaa oo ay xukuntay maxkamad New York ah.

Mr Trump oo ku sii siqaya musharaxnimadiisa xisbiga Jamhuuriga ee 2024-ka, ayaa munaasabadda ku soo bandhigay wax uu ugu yeedhay “kabaha rasmiga ah ee ugu horreeya ee Trump”. Kabahan sare ee dahabka leh ayaa la soo saaray dhawaan waxaana ku dul yaal xardhan calanka Maraykanka iyo xarafka T.

Ku dhawaaqista ayaa dadka qaar ku oriyeen ama ku qayliyeen halka kuwa kalena farxad ku soo dhoweeyeen.

Kabaha, oo hadda lagu iibiyo website-ka GetTrumpSneakers.com  , ayaa loogu magac daray “Never Surrender High-Top Sneaker” waxaana lagu qiimeeyaa $399 Dollar. Waxaa jiray 1,000 beer oo lagi iibiyey goobtii, oo ay ku jiraan 10 uu Trump hadyad u bixiyey.

Kabaha ayaa laba nooc kala ah qiimahooduna kala duwan yahay, nooc loo yaqaan T “45” waxa kagu iibinayaa 199 Dollar. Trump wuxuu ahaa madaxweynihii 45-aad ee Maraykanka.

Goobtu waxay kaloo iibisaa “Victory47” cologne iyo cadarka oo lagu qiimeeyay $99 dhalo kasta. Waa in la ogaadaa in magacan loo qoondeeyay sababtoo ah Mr Trump ayaa noqon doona madaxweynihii 47-aad ee Mareykanka haddii mar kale la doorto.

Jimcihii la soo dhaafay, garsoore New York ah ayaa ku amray Donald Trump iyo Ururka Trump inay bixiyaan ganaax ku dhow 355 milyan oo doolar kiis khiyaano rayid ah. Xukunka oo ka kooban 90 bog ayaa lagu sheegay in Trump laga mamnuucay in uu noqdo agaasimaha shirkadda ee gobolka New York muddo saddex sano ah.

Intaa waxaa dheer, garsooraha ayaa sidoo kale ka mamnuucay wiilashiisa Donald Trump Jr iyo Eric Trump inay agaasime ka noqdaan laba sano. Waxaa sidoo kale lagu xukumay in ay bixiyaan ganaax dhan 4 milyan oo doolar midkiiba.

Trump ayaa kiiska ku tilmaamay mid “khiyaano ah oo isaga lagu sameeyay” iyo ” ugaadhsi siyaasadeed oo saaxirad ah.” Kabaha cusub ee lagu qoray magaciisa ayaa loo malaynayaa inuu ku helo lacago uu iskaga bixiyo lacagaha lagu xukumay.