Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Togdheer iyo Saraar Ka Fulisay Hawlgal Lagula Dagaalamayo Dhuxulaysiga

0
339

Wasaaradda Deegaanka Somaliland waxay sanadahan danbe dedaal dheeraad ah gelisay wax ka qabashadda Dhuxulaysiga iyo jarista geedaha.

 

Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay dalalka geeska Afrika ee ay sida xawliga ah uga socoto jarista dhirtu, iyadoona dhuxul ahaan laga sameeyo.

 

 

 

Qormadeenna todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka ee Somaliland oo magaaladda Caynaba ka shaacisay hawl gallo lagula dagaalamayo xaalufinta dhirta iyo Dhuxulaysiga ee goboladda Togdheer iyo Saraar.

 

 

 

Waxaana hawl galkaasi shaacinta wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Ismaaciil Baandare, ku weheliyay wasiirka Caddaaladda, iyo wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

 

 

 

Hawl galkan la dagaalanka xaalufinta deegaanka ayaa la filayaa inuu bilaabmo maalmaha soo socda waxaana fulin doona ciidamada ammaanka ee gobollada Togdheer iyo Saraar, kaasoo la doonayo in lagu soo   af-jaro Dhuxulaysiga ka socda goboladaasi.

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Saraar si loogu wacyigeliyo in ay qayb ka noqdaan hawl galkani.

 

Waxaana hawl galkaasi lagu qab qaban doonaa cid kasta oo ku hawlan xaalufinta deegaanka iyo wax kasta oo keenaya dabar go’a dhirta, isla markaana keeni karaya dhibaato ku timaadda dabiicinimadda deegaanka.

 

Wasiir Shukir Baandare, ayaa sheegay in ay u qalab qaateen sidii loo soo af-jari lahaa dhibaatada aan joogsiga lahayn ee lagu hayo deegaanka gaar ahaana xaalufinta dhirta Dhuxusha laga shido. Waxaanay tilmaantay wasiirku in gacan birr ah lagu qaban doono cid kastoo lagu qabto, iyagoo gacanta kula jira dambi ka dhan ah deegaanka Somaliland.

 

“Barnaamijkani aanu maanta (shalay) u soconaa, waa barnaamij weyn oo baaxad leh, waana barnaamij ka yimid dawladda dhexe ee Somaliland. Madaxweynaha, ilaa wasiirka arrimaha gudaha, taliyeyaasha ciidamadda oo dhan, ilaa badhasaabyadda goboladda, ilaa maayarrada magaalooyinka way ku wada jiraan.

 

Muddo dheer ayaana hawshani laga soo shaqaynayay, sidii loo soo   af-jari lahaa, ee loo dabar-goyn lahaa Dhuxusha dalkeenna ka baxaysa, ee laga shiddo saddexda gobol  ee isku xigga Togdheer, Sanaag, iyo Saraar, siina maraysa  Sool iyo Sanaag barri” ayay tidhi wasiirka deegaanku.

 

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ugu baaqday bulshada in dawladda lagala shaqeeyo, isla markaana la taageero sharciga deegaanka ee Somaliland, oo laga wada hortago dhibaatada dhuxulaysiga iyo xaalufku ku hayo deegaankeenna.

 

Waxaanay tidhi, “Cuqaasha, iyo waayeelka maanta (shalay) halkan isugu timid, waxaanu isugu yeedhnay haddii aanu nahay dawladii dhexe, sidii ay noola shaqayn lahaayeen, ee ay gacan weyn nooga siin lahaayeen soo   af-jarista Dhuxushaasi dalkeenna ka baxaysa.

 

Waxaan aad ugu mahad celinayaa odayaasha, cuqaasha, iyo waxgaradka maanta (shalay) halkan isugu yimid ee  na dhegaysanaya, ee jiidaha Dhuxusha laga shidayo madaxdoodii ah, in ay nala qaataan, oo ay dawladda garrab ku siiyaan, in la soo   af-jarro Dhuxulaysiga”.

 

Geesta kale wasiirku waxay sheegtay in somaliland yahay wadan xoolo dhaqato ah, isla markaana ay bulshadiisu ku tiirsan tahay xoolaha, sidaas darteedna xaalufka lagu deegaanku uu dhibaato ku keenayo nolosha bulshadda.

 

Shukri Baandare, ayaa intaas raacisay in ay ka xukuumad ahaan si weyn ugu soo diyaar garoobeen sidii loo soo   af-jari lahaa Dhuxulaysiga ka socda goboladda barriga dalka, waxaanay tidhi, “Wadan xoolo dhaqato ah ayaynu nahay, xoolaheenuna geedkaa la Dhuxusha laga shidayo ayay ku nool yihiin, ee weliba dibadda loo dhoofinayo Dhuxusha.

 

Maanta dawladu way u soo xadhko xidhatay in la soo dabar-jaro Dhuxulaysiga. Qofka lagu qabto isagoo gubaya geedkana,  waa la xidhayaa, waana la ganaaxayaa, xeer ayaana lala tiigsanayaa. Sababtoo ah Somaliland diyaa  uma aha intaa in ka badan in ay u dul qaadato”.

 

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa isna tilmaamay  in hawl galkan lagula dagaalamayo xaalufku uu yahay mid ballaadhan oo laga fulin doono guud ahaan ba Somaliland.

 

Isagoona xusay in barnaamijkani uu ka yimid dawladda dhexe ee Somaliland, kaasoo ku aadan si loo illaaliyo deegaanka iyo noolaha kale ee ku dul nool.