Agaasimaha Machadka Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada Badan ee Netherland oo la Kulmay Shirgudoonka G. Wakiiladda

0
152

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Machadka Dimuqraadiyada iyo Xisbiyada badan (NIMD) ee Netherland oo uu wehelinayo Wakiilka Machadka Dimuqraadiyadda (NIMD) ee Somaliland, Cabdijaliil Aw Daahir Afqarshe, ayaa shalay kulan ballaadhan la yeeshay shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha machadka Netherlands Institute for Multiparty Democracy (NIMD) Thijs Berman, xidhiidhiyaha mashaariicda Kristina Miletec, Wakiilka Hay’addaasi ee Somaliland, Cabdijaliil Aw Daahir Afqarshe, Madaxa Barnaamijyada Dr. Cabdiraxmaan Gaas, iyo khabiirka wadahadallada iyo xallinta khliaafaadka Shaun MacKay.

Weftigan ayaa waxa qaabilay Guddoomiyaha Golaha wakiilladda Somaliland Mudane Prof Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’ iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad, Mudane Siciid Mire Faarax ‘Giirre’, iyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo uu weheliyo La-Taliyaha Hay’adaha iyo Barnaamijyada Horumarinta, Xasan Maxamed Jaamac ‘Xiis’

Agaasime Berman ayaa ku bogaadiyey Golaha wakiiladda iyo shacabka Somaliland hannaanka dimuqraadiyadeed ee qaangaadhay oo noqday mid tusaale loogu soo qaato gobolkaba, Waxa uu u rajeeyey dalka iyo dadkiisaba horumar iyo caddaalad ku timaadda tubta doorashada tooska ah ee ku dhowaad 30 sannadood dalku isku maamulayey.

Dhinaciisa Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha ayaa si diirran ugu soo dhoweeyey wafdiga Golaha Wakiillada; kuna boorriyey in barnaamijyada NIMD ku tiirsanaadaan xaqaa’iqa iyo baahiyaha dhabta ah ee dalka.

Waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku ku bogaadiyey NIMD tababarrada ay u bilaabeen ururrada siyaasiga ah iyo xisbiyada, waxaana uu u rajeeyey hay’adda in tacabkeedu noqdo mid si dhab ah u midha dhala.

Waxa labada dhinac, xog wareysi kadib, isla eegeen barnaamij iskaashi oo labada dhinac u bilaabmi doona dhowaan lana xidhiidha tababarrada kobcinta dimuqraadiyadda.

Waxa labada dhinac isla garteen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan aqoon-korodhsiga geeddi-socodka dimuqraadiyadda, korjoogtaynta, metelaadda doorashada iyo dhiirrigelinta ka-qayb-qaadashada siyaasadda gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Ugu dambayn, waxa kulanka soo afmeeray Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md Prof. Yaasiin Maxamuud xiir (Faratoon) oo cabbiray sida ay muhim u tahay in la horumariyo, lana dhiirrigeliyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo kaalin kasta oo lagu kobcin karo.