Guddoomiyaha UCID oo ka Hadlay Kulan uu la Yeeshay Wakiilka Turkiga u Fadhiya Hargeysa

0
201

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu kulan la yeeshay Wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Md. Levent Ceri.

Sidaasna waxa uu ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter)-ka. Waxaanu sheegay inuu kala hadlay is-fahamkii ay dhawaan wada galeen dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu la soo qaaday qoddobo kale oo ku wajahan mandaqada.

Farriintaasina waxa ay u qornayd sidan:-

“Waxa aan maanta (shalay) kulan la qaatay Wakiilka Turkiga ee Somaliland Md. Levent Ceri, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee Geeska Africa, Is-fahamka dhexmaray JSL iyo Ethiopia, heshiiska Xasan Sheekh iyo Turkiga iyo Doorashooyinka Somaliland.”