Agaasime Waaxeedyadda Cududda Shaqaalaha Wasaarradaha iyo Haayadaha Dawladda oo Tababar loo Qabtay

0
88

Hargaysa (Dawan): Tababarkani oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland oo kaashanaysa haayadda FARO Foundation.

Waxaana tababarkani loo qabtay agaasime wqaxeedyadda cududa shaqaalaha wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda, iyo madax xafiiseedyadda bed qabka shaqaalaha dawladda.

Waxaana tababarkaasi ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda, guddoomiyaha haayadda Qoxoontiga, iyo barokaceyaasha qaranka, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday haayadda FARO Foundation.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane, oo isna furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkani uu wax weyn ka tari doono wixii gar gaar caafimaad ah ee loo baahdo.

“Gar gaarka deg dega ahi, waa wax aynu sahashano. Laakiin, qiimo aad iyo aad badan ayuu leeyahay. Waxaana laga yaabaa marka qofku uu meel gaar ah joogo inta wax yar oo fududi ay ku dhacaan inuu u Dhiig baxo, oo ay dhibaato ka soo gaadho wax yaraa oo fududaa” ayuu yidhi Siciid Xasan Habane.

C/kariin Axmed Xinif, guddoomiyaha haayadda Qoxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ayaa soo dhaweeyay tababarkani gaar ahaana qaybta gar gaarka deg dega ah.

Waxaanu yidhi “Anagu ka haayad ahaan waxaanu qabanay bed qabka shaqaalaha marka laga hadlayo dhamaanba dhaqaalahayaga waxaa la hubiyay Indhahoodda. Wixii daawayn u baahan, iyo wixii Muraayado u baahan ba. Qof walibana maanta wuu is og yahay waxa uu qabo”.

Guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalif Qodax, ayaa isna tilmaamay in tababarkani uu noqon doono mid faa’iido u leh masuuliyiinta la siiyay. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay yahay xubnaha tababarkan qaatay in ay uga faa’iideeyaan shaqaalaha xafiisyadda ay ka hawl galaan.

“Waxaan rejaynayaa in tababarka aad qaadateen, aad uga faa’iidayn doontaan shaqaalaha idinkala hawl galla goobaha aad ka shaqaysaan, ee wasaarradaha, iyo haayadaha kala duwan ee dawladda.

Haddii loo baahdo gar gaar deg deg ah, waxaan rejaynayaa inaad noqon doontaan shaqaale xalin doona dhibaatadaasi” ayuu yidhi Khaalid Qodax.

Madaxa qaybta caafimaadka ee haayadda FARO Foundation Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), ayaa sheegay in ay muhiim tahay la na ilaaliyo, bulshadda qaybta ku jirta da’da wax soo saarka.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haayadda FARO Foundation waxay ka shaqaysaa mashaariic dhawr ah, waxaana ka mid ah qaybta caafimaadka. Caafimaadka qaybta aan ka shaqaynaa waxa weeye waxyaabaha la xidhiidha in la kobciyo, la na ilaaliyo, bulshadda qaybta ku jirta da’da wax soo saarka. Waxaanu haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland isla qaadanay in aanu mashruucani ka wada shaqayno, si ay shaqaalaha dawladu u helaan addeegyo caafimaad”.

Geesta kale agaasimaha guud ee haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Mirre Nuux, oo furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda tababarkaasi.

“Waxaan rejaynaynaa inuu tababarkani wax badan ka tari doono, goobaha shaqadda. Sidoo kalena aad ku dabiqi doontaan shaqadda, isla markaana gar gaarka deg dega ahi uu hadda ka shaqayn doono xafiisyadda dawladda.

Anagana qorsheyaasha ugu waaweyn ee aanu fulinayno sanadkan 2024-ka waxaa ka mid ah in ay haayadu fulin doonto ama culays badan saari doonto sidii loo sugi lahaa bed qabka shaqaalaha dawladda.

Sidoo kalena ay bar bar socoto sidii dhaqaalaha loogu heli lahaa camis caafimaad, oo ay ka wada shaqayn doonaan haayada shaqaalaha dawladda Somaliland iyo haayadda caymiska qaranku”.