Labada Murashax ee ugu Da’da Weyn oo laga Filayo Madaxweynihii ugu Da’da Weynaa

0
84

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada madaxtinimada Maraykanka ee 2024 ayaa muujinaya inuu noqon doono tartan la mid ah tartankii 2020 ee u dhexeeya Joe Biden iyo Donald Trump, waana cod bixin ay codbixiyayaashu ay kala dooranayaan qof noqon lahaa madaxweynaha ugu da’da weyn waddanka Biden ama Trump.

Codbixiyeyaal badan ayaan ku faraxsanayn doorashada. Ra’yi ururin ay samaysay ABC News/Ipsos ah horaantii bishan ayaa lagu ogaaday 59% dadka Maraykanka ay u arkaan in labada murashax aanay gudan karin inay inay u adeegaan dalka xilli kale.

“Calaamad kasta waxay u muuqataa in dadka Maraykanku intooda badan aanay rajaynayn in la kala doonto labadii musharax ee 2020,”. Charles Bullock oo siyaasada ka dhiga Jaamacadda Georgia ayaa u sheegay VOA. “Haddii labada dhinacba ay la yimaadan murashax tayo leh oo ka yar Biden iyo Trump ama dhinac la yimaado, qofkaas wuxuu u guuleysan lahaa si aqlabiyad ah.”

Waxa sidaa ku raacsan Rebecca Urrutia oo ah Hooyo ku nool Connecticut.

“Da’da musharraxiintayadu aad bay noo khusaysaa,” ayay tidhi. “Waxay caddayn u tahay in nidaamkayaga labada xisbi uu gebi ahaanba burburay oo gubtay.

“Ma laba nin oo da’dii 80-naadka ku jiro ayaynu u codaynaynaa, mise waxaynu u codaynaynaa ku ay u doorteen inay madaxweyne ku xigeeno u noqdaan?” Ayay raacisay. “Fursadda ah in aanay awoodi doonin inay dhammaystaan wakhtigooda waa mid jirta marka la eego xannuunada da’du keento sida Asaasaqa(dementia), miyir-qabka iyo sababo kale oo caafimaad, waa wax la rumaysan karo.

Sidee tani ku dhacday?

Robert Collins, oo ah borofisar ku takhasusay daraasaadka magaalooyinka iyo siyaasadda guud ee Jaamacadda Dillard ee New Orleans, ayaa aaminsan in dadka Maraykanku ay dareemayaan in aan la siinin doorasho dhab ah.

“Qaar badan oo naga mid ah, waxay dareemayaan in xaaladu dib ugu noqotay meel laga yimi ,” ayuu u sheegay VOA, isaga oo tixraacaya filimkii 1985. “Waa door u dhexeeya isla labadii oday ee aan haysanay markii ugu dambeysay, dad badan oo Maraykan ah ayaa ka tagay iyaga oo la yaaban sida tani u dhacday iyo haddii ay la macno tahay inay wax khaldan yihiin dimuqraadiyaddayada.”

Aragtida da’da ee u dhaxaysa murashaxiinta

Iyadoo farqiga da’da ee u dhexeeya madaxweyne Biden iyo madaxweynihii hore ee Trump uu ka yar yahay afar sano, farqiga u dhexeeya sida ay dadka Maraykanka u arkaan da’dooda ayaa ah mid ballaadhan.

Codbixinta ABC News/Ipsos ee lagu ogaaday 59% dadka Maraykanku waxay u maleynayaan in labada murashax ay aad u da’ weyn yihiin, 27% dheeraad ah ayaa sheegay in Biden kaliya uu aad u da’ weyn yahay. Taas bedelkeeda, kaliya 3% dadka Maraykanka ah ayaa sheegay in Trump kaliya uu aad uga da’ weyn yahay inuu mar kale u adeego.

“Haddii ay cadaalad tahay iyo haddii kaleba, waxaan u malaynayaa in Biden uu dadka Maraykanka u akhriyo inuu ka weyn yahay Trump,” ayuu yidhi Collins oo ka tirsan jaamacadda Dillard. “Socodkiisu wuu yara adag yahay, hadalkiisa wuu yara gaabiyaa, wuuna ka dabacsan yahay Trump. Waa arrin uu ololihiisa u baahan yahay in uu ogaado sida loo saxayo.”

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in labadan murashax ee waaweyn ay xisbiyadu ku adkaysan doonaan sidaa awgeed waxa la kala dooranayaa labadii Murashax ee ugu da’da waa weynaa abid oo uu ka soo bixi doono madax weynihii ugu da’da weynaa abid.