Maamulka Shirkadda Qatar Airways oo Cadeeyay In Ay Halis Ku Galeen Amar Qaldan oo Muqdisho Laga Siiyay

0
84

Doha (Dawan) maamulka guud ee shirkada Diyaaradaha Qatar Airways ayaa sheegay in amar qaldan oo maamulka Hawada Muqdisho uu siiyay ay Diyaaradoodu halis ku gashay.

Sida uu baahiyay Telefishanka Al-Jazeera, Maamulka Diyaaradda Qadar Airways ayaa sheegtay in mid kamida Diyaarahadoodu ay halis ku gashay Meel ku dhaw hawada Soomaaliya kadib markii qof ka tirsan maamulka Hawada ee Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay Muqdisho uu ku hagay dariiq ay ku jirtay diyaarad kale oo Itoobiya laga leeyahay.

Balse Maamulka Qadar waxay sheegeen in ay mahadiyeen Qalabka Khatarta ka diga ee TCAS oo labada diyaaradood ee Qadar iyo Ethiopian Airlines ka badbaadiyay Masiibo wayn oo ah inay isku dhacaan halkaasi ay ka dhacdo dhibaato naf iyo maalba leh.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa ku amray diyaaradda Qater Airways in ay kor u kacdo qiyaas dhan afartan kun oo Ft, taasi oo ay ku jirtay Diyaaradda Itoobiya Airline halkaasina uu kai man gaadhay khasaare baaxad wayn oo soo gaadha laba diyaaradood.

Dhanka kale Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaaradda Somaliland ayaa sheegtay xogtaasi qaldan ee ay siiyeen maamulka Hawada Muqdisho, waxaanay ka digtay in aan la khal khalin diyaaradaha hawada isticmaalaya.

Maxamed Al-Shiyaan oo ah duuliyaha koowaad ee waday Diyaaradda Qater Airways una dhashay dalka Sucuudiga, ayaa qiray in maamulka Hawada Soomaaliya ay siiyeen warbixino khaldan oo la xidhiidha duulimaadkaasi, waxaanu cadeeyay inay jirtay xogtaasi ah inay isku dhici gaadheen diyaaradda uu duuliyaha ka ahaa iyo diyaaradda Itoobiya balse waxa uu sheegay inay badbaadiyeen qalabka ku xidhan diyaaradaha ee sheegay in khadka la soo jiro.

Maamulka shirkada Qater Airways ayaa ka markhaari kacay xogta ay sheegtay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland ee ah in labada diyaaradood ay ku ka badbaadeen isku dhac isla markaasina ay Soomaaliya siisay xog khaldan.