Wasiirka Diinta JSL oo kulan la Qaatay Madaxa ugu Sareeya Hay’adda World Vision

0
129

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Kulan la qaatay Madaxa ugu Sareeya Hay’adda World Vision ee Somaliland Mr Soomaaliya Kevin Macky

Kulanka Wasiirka iyo Sarkaal Sare Kevin Mackey ayaa ku saabsanaa Xoojinta Wada Shaqaynta u dhaxaysa Hay’adda World Vision iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo barnaamijyo muhiim ah ka wada shaqeeya.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulankaa ka hadlay ayaa Hay’adda World Vission iyo Madaxdeedaba uga mahad-naqay hawlaha shaqo ee ay ka wada shaqeeyaan iyo weliba sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac.

Dhankiisa waxa isna Kulanka ka hadlay Mr Kevin Mackey Madaxa ugu sareeya Hay’adda World Vision ee Somaliland iyo Somaliya ,waxaanu sheegay in uu aad ugu farax-san yahay kulankan, isaga oo sheegay in uu aad usoo dhowaynayo Xidhiidhka Wada shaqayneed ee u dhexeeya World Vission iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Ugu dambayntii waxa labada dhinac isla qaateen in hawlaha Wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda World Vision lasii laban laabo isla markaana La iska kaashado Sidii Barnaamijyo kale oo Cusubna ay isaga kaashan lahayeen.