Malaayiin Dameero ah ayaa la Dilaa Sannad Walba si Daawo looga Sameeyo

0
102

Si uu biyaha u iibiyo noloshiisa qoyskiisana uu u helo, Steve wuxuu si buuxda ugu tiirsanaa dameerihiisa. Waxay ku soo jiidi jireen gaadhigiisii ​​oo ay ku raran tahay Taangi ama Booyad qaada 20 jirigaan, waxaana uu ka iibin jiray macaamiishiisa. Markii la xaday dameerihii Steve  oo loo xaday haraggooda oo la iibsaday, wuu sii shaqayn kari waayay.

Maalintaas waxa u bilaabatay Steve inuu baadi doono dameerkiisii Subaxdii ayuu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada Nayroobi, wuxuuna u socdaalay beerta xayawaabka si uu uga soo eego dameerkiisii.

Muu helin, wuxuu baadhayay maalintii oo dhan, habeenkii oo dhan iyo maalintii xigtay oo dhan. Saddex maalmood ka dib ayay ahayd markii uu soo wacay saaxiibkii oo u sheegay inuu helay qalfoofkii dameerihiisa, waa la gowracay, maqaarkoodii ama haragoodii oo keliya ayaa meesha yiil.

Tuugada dameeraha sidan oo kale ah ayaa ku soo badanaya meelo badan oo Afrika ah  iyo meelo kale oo adduunka ah oo ay ku nool yihiin dad badan oo ka mid ah dadka  shaqeeya Dameeraha. Steve iyo dameerihiisa  waxay dhibane u noqdeen ganacsiga caalamiga ah ee haraggaha dameeraha.

Halka ay soo bilaabmay ganacsiga Hargaha kumanaan mayl ayey u jiraa Kenya, waa Shiinaha. Daawo dhaqameed lagu magacaabaa Ejiao oo aad loo isticmaalo ayaa laga sameeyaa walxo ku jira maqaarka dameeraha oo loo yaqaan Gelatin waana sababta galaafatay dameerihii Steve.

Ejiao waxa la rumaysan yahay in ay leedahay walxo caafimaadka kobcinaya isla markaana ilaalinaya dhalinyaranimada qofka. Maqaarka dameeraha waa la kariyaa si looga soo saaro walxaha Gelatin, waxaana loo sameeyaa budo, kiniin ama dareere, oo lagu daro cuntada.

Dadka u ololeeya in la joojiyo ka ganacsiga dameeraha ayaa sheegaya in dadka sida Steve oo kale ah ee ku tirsan dameeraha ay dhibanayaal u yihiin baahida aan la sii wadi karin ee daawo dhaqameedka Ejiao.

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta daba galka dameeraha oo tan iyo sanadkii 2017 waday olole ka dhan ah ganacsiga ayaa waxa ay ku qiyaastay in caalamka ugu yaraan 5.9 milyan oo dameer la gowraco sanad walba si loo keeno Gelatin, waxaanay warbixintu sheegtay in dalabkaas uu sii kordhayo, hase ahaatee si madax bannaan looma xaqiijin tirada ay soo saartay xarunta daba galka dameeraha.

Aad bay u adag tahay in la helo sawir sax ah oo ku saabsan inta dameer ee la dilay si hargohooda loo keeno warshadaha Ejiao.

Afrika, oo ay ku nool yihiin saddex-meelood laba meel, 53-ka milyan ee lagu qiyaasay tirada dameeraha adduunka, waxa ka jira xeerar dhowr ah. Dalalka qaar dhoofinta hargaha dameeraha waa sharci wadamada qaarna waa sharci daro tahay. Balse baahida sare ee hargaha iyo qiimaha sare ee hargaha ayaa sii hurinaya xatooyada dameeraha, waxayna xarunta dameeruhu sheegtay inay ogaadeen in dameeraha si xor ah laga rarayo xudduudaha caalamiga ah ee dalalka si ay u gaadhaan goobaha ganacsiga ee sharciga ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhawaan laga yaabaa in isbedel uu dhaco iyada oo dowlad kasta oo Afrikaan ah iyo dowladda Brazil ay diyaar u yihiin inay mamnuucaan gawraca iyo dhoofinta dameeraha si looga jawaabo tirada dameeraha ee sii yaraanaya.

Solomon Onyango, oo u shaqeeya Xarunta Dameeraha ee fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa yidhi: “Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019, waxaan ku qiyaasnay ​​in kala badh dameeraha Kenya la gowracay si loo helo hargahooda.

Dameerhuhu waxay qaadaan dadka, alaabaha, biyaha iyo cuntada, waana laf-dhabarta bulshada saboolka ah ee miyiga, haddaba baaxadda iyo kobaca xawliga ah ee ka ganacsiga haraga ayaa kiciyey dadka u ololeeya iyo khubarada, waxayna dad badan oo Kenya ku nool ay ka qayb qaataan banaanbaxyada ka ganacsiga maqaarka.

Soo jeedin mamnuucid aan xad lahayn oo Afrika oo dhan ah ayaa lagu darayaa ajandaha Shir Madaxeedka Midowga Afrika, halkaas oo dhammaan hoggaamiyeyaasha afrika ay ku kulmayaan 17 iyo 18 Febraayo 2024.

Isaga oo rajaynaya mamnuucista suurtagalka ah ee guud ahaan Afrika oo dhan, Steve wuxuu sheegay inuu rajaynayo inay gacan ka geysan doonto ilaalinta xayawaanka, “hadii kale jiilka soo socda ma yeelan doonaan dameero”.

Laakiin mamnuucidda guud ahaan Afrika iyo Brazil ma u beddeli kartaa ganacsiga meel kale? Soo saarayaasha Ejiao waxay isticmaali jireen haraga dameeraha ee Shiinaha. Laakiin, sida laga soo xigtay Wasaaradda Beeraha iyo Arrimaha Miyiga ee dalkaas, tirooyinka dameeraha ee dalka oo sanadkii 1990 ahaa 11 milyan, sannadkii 2021 waxay gaadhay laba milyan iyo badh keliya Shiinaha oo dhan, Ejiao dalabkeeduna wuxuu noqday mid caan ah oo ballaadhan, markaa waa in loo helo wixii lagu samaynayey.

Taasi waxay keentay in Shirkadaha Shiinaha ay sahayda hargaha u doontaan dibadda. Kawaannada dameeraha ayaa laga hirgeliyay qaybo ka mid ah Afrika, Koonfurta Ameerika iyo Aasiya.

Tani  Afrika waxay u keentay dagaal ba’an oo ay ku waayeen dameeradoodii.

Dalka Itoobiya oo ay mamnuuc ka tahay cunista hilibka dameeraha, ayaa sanadkii 2017-kii la xidhay mid ka mid ah labada maxjar ee lagu qalo dameeraha, taas oo ah jawaab ka dhalatay dibadbaxyo shacabka iyo baraha bulshada ka yimi.

Wadamo ay ka mid yihiin Tanzania iyo Ivory Coast ayaa mamnuucay gawraca iyo dhoofinta hargaha dameeraha sannadkii 2022-kii, balse dalka deriska la ah Shiinaha ee Pakistan ayaa aqbalay ganacsiga.

Dameeruhu waa ganacsi weyn. Sida laga soo xigtay khabiirka xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika Prof Lauren Johnston, oo ka tirsan jaamacadda Sydney, suuqa Ejiao ee Shiinuhuna kor ayuu u kacay qiimihiisu, wuxuu ahaa sanadkii 2013 $3.2bn (£2.5bn) sannadkii 2020 wuxuu gaadhay $7.8bn, waa lacagta u soo hoyatay sanadkii.

Dadka  beeraleyda iyo reer miyiga ayaa dhibanayaasha kowaad ka ah.

Mr Onyango oo ku shaqaysta dameerahay ayaa yidhi “Weligay dameerahayaga uma aanu dhqin gowrac, xitaa ma qalano.”

Prof Johnston ayaa isna yidhi. “ Marka dameeraha la waayo dumarka iyo carruurta ayuu culaysku fuulaa”. “Marka dameerku baxo, markaas dumarka ayaa gala kaalintii dameerka,” ayuu ku daray.