cuntooyinka, cudurka kansarka
Xubinteena labaad ee barnaamijka caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona 10 cunto oo awoodsiiya difaaca jidhka.
Joogtaynta cunno caafimaad leh oo isku dherlitiran waxa ay lama huraan u tahay fayow-qabka guud waxa ay ka qaadataa difaaca dabiiciga ee jidhku uu iska caabbinayo cudurrada oo kansarku uu ka mid yahay.
Inkasta oo aysan jirin cunno keligeed dammaanad qaadaysa ka hortagga cudurka kansarka, haddana isku darka cunno nafaqo iyo maadooyinka sunsaarista hodanka ku ah waxay kaalin mug leh ka qaadataa ilaalinta fayow-qabka guud iyo hoos u dhigista halista cudurka kansarka.
Waa kuwaan cunnooyinka la dagaallama cudurka kansarka ee ay tahay inaad ku darsato raashinkaaga maalinlaha ah.
Kaabajka:
Kaabajka waxaa ku jira walxo la yiraahdo “glucoscinolates” kuwaas oo liddi ku ah kansarka, si gaar ah waxaa la arkay inay uga hortagaan koboca kansarka noocyadiisa ku dhaco naasaha, qanjirka manida ee borosteytka iyo mindhicirrada waa wayn.
Midhaha beeriska:
Miraha beeriska sida farowlaha (strawberries), blueberries, raspberries iyo blackberries waxaa ka buuco maadooyinka jirka sunta ka saaro ee loo yaqaanno “antioxidants” sida “anthocyanins” iyo “elagic acid” kuwaas oo nidaamiya xidada xorta ah islamarkaana yareeya waxa loo yaqaanno “oxidative stress” iyo hurka.
Joogtaynta cunista Miraha beeriska waxaa lala xidhiidhiyaa inay hoos u dhigto halista noocyo ka mid ah kansarka.
Khudradda caleemaha cagaaran:
Khuddrada cagaaran sida koostada iyo sukuumada waa cunno kulansatay nafaqo kala duwan. Waxa ay hodan ku yihiin fitamiinno, macdano iyo maadooyinka “phytochemicals” kuwaas oo lala xiriiriyo inay ka hortagaan cudurka kansarka.
Sido kale, ganka ku badan khudradda caleemaha cagaaran wuxuu door wayn ka ciyaaraa caafimaadka dheefshiidka iyo ilaalinta miisaanka, kuwaas oo muhiim u ah ka hortagga kansarka.
Toonta:
Muddo dheer ayaa la ogaa faaidooyinka toonta ay u leedahay caafimaadka, oo ka mid tahay inay leedahay walxo liddi ku ah kansarka. Maadada “alicin” ee laga helo toonta waxa la arkay inay joojiso koriimada unugyada kansarka, sida oo kalena ay yareyso halista noocyo ka mid cudurka kansarka.
Huruudda:
Waxa ay ka mid tahay dhirta lagu darsado cunnada si loogu yeelo dhadhan, udgoon iyo midab wacan, sidoo kale, huruudda waxaa loo isticmaalaa dawo ahaan.
Huruudda waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “curcumin” oo ah lid-huriye iyo sunsaare awood badan, taas oo daraasado lagu arkay doorka ay ka qaadato ka hortagga iyo dawaynta kansarka.
Kalluunka dufanka leh:
Kalluunka duxda leh sida salmon, mackerel iyo sardines, waxa uu hodan ku yahay dufanka asiidhka ah ee omega-3 kaas oo faaidooyin tiro badan u leh caafimaadka.
Daraasado ayaa iftiimiyay in awoodda lid-huriye ee dufanka omega-3 ay ka wayb qaadato yareynta halista noocyo cudurka kansarka, taas oo kalluunka dufanka leh ka dhigaysa cunno qiimo badan oo looga hortegi karo kansarka.
Tamaandhada
Yaanyadu waxa ay hodan ku tahay maadada “lycopene” oo ah sunsaare awood badan. Maadadani waa tan masuulka ka ah midabka guduudan ee yaanyada. Lycopene waxaa lala xiriiriyaa inay hoos u dhigto kansarka noocyadiisa ku dhaco naasaha, caloosha iyo qanjidhka manida ragga ee borosteytka.
Lawska iyo midhaha:
Lawska noocyadiisa kala duwan iyo miraha qoondarka iyo chia seeds, waxaa ka buuxa dufanno caafimaadka uroon, fitamiinno iyo macdano iyo gan, sidoo kale waxa ay walxo liddi ku ah ah hurka iyo sunsaareyaal kuwaas oo la dagaallama cudurka kansarka.
Shaaha cagaaran:
Shaaha cagaaran waxaa ku jira maadooyin loo yaqaanno “catechins” kuwaas oo liddi ku ah kansarka.
Cabista shaaha cagaaran oo la joogteeyo waxaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigto halista cudurka kansarka gaar ahaan noocyadiisa ku dhaco naasaha, qanjirka manida ee borosteytka iyo mindhicirrada waa wayn.
Liinta:
Liinta noocyadeeda sida liinta oranjada, liin bambeelmada iyo liin dhanaanta, waxaa ku badan fitamiin C iyo sunsaareyaal kale. Fitamiin C waxa uu kaalin mug leh ka ciyaaraa awood siinta difaaca jirka wuxuu ka qayb qaadan karaa ka hortagga cudurka kansarka. Maadooyinka sunsaarista ee ku jira liinta waxa ay la dagaallamaa hurka iyo waxa loo yaqaanno “oxidative stress”.