Waxaanu gacanta ku haynaa in ka badan 90 Harimacadyo ah, Dhawrka bilood ee soo socda …” Ms. Laurie Marker Agaasimaha CCF

0
65

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa sanadahan danbe waxay si weyn isugu hawshay joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta. Iyadoo kaashanaysa haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya la dagaalanka sharci darrada ah ee Ugaadha, iyo xataa qaar ka mida dawladaha ay saaxiibka yihiin Somaliland.

Haayada CCF ayaana ka mida haayadaha ay sida dhaw uga wada shaqeeyaan xakamaynta ganacsiga duur joogta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland. CCF ayaa Somaliland dhawrkii sanadood ee ina dhaafay ka waday barnaamijyo wax lagaga qabanayo joojinta ka ganacsiga duur joogta gaar ahaana Harimacadka.

Waxaanay haayadda CCF gudaha dalka ka samaysay xarumo lagu xanaaneeyo in ka badan 90 xabadood oo Harimacadyo ah, kuwaasoo ay wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo ciidamadda amaanku soo qabatewn iyagoo si qarsoodi ah dalka looga tahriibinayo.

Harimacyadaasi oo ku jira goobo kala duwan oo caasimadda Hargaysa ku yaalla ayaa la qorsheeyay in loo rarro xarun weyn oo loogu tallo-gallay in Harimacadka lagu xanaaneeyo, taasoo laga dhisayo deegaanka Geed-deeble, ee woqooyiga Hargaysa.

Sidaasina waxaa shaacisay Agaasimaha guud ee haayadda Cheetah Conservation Fund Laurie Marker, oo hadal ka jeedisay furitaanka tababar ku saabsanaa la dagaalanka Sharci darada ah ee djurjoogta iyo ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah. Tababarkaasi oo 12-kii bishan February, lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaana tababarkaasi furtay wasiirka Deegaanka Shukri Baandare, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimmilada Maxamed Cabdillaahi Ducaale, agaasimaha CCF, ms. Marker, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay tilmaantay Marker, in marka la dhamaystiro dhismaha xarunta Geed-deeble in halkaa loo rarri doono dhamaanba Harimacadyadda ay hadda goobaha kala duwan ku hayaan. Iyadoona sheegtay in hawsha rarrista Harimacadyadda ee marka la gaynayo Geed-deeble ay ka gacan siinayaan haayado dhawr ah, dawladda Taiwan, iyo wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa waxyaabihii ay agaasimaha CCF kaga hadashay furitaankii tababarkaasi, iyo qorsheyaasha ay haayadeedu ku doonayso in ay Somaliland ku gacan siiso wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka, iyo arrimo kale. Ms. Marker, ayaa ugu horayn waxay u mahad naqday ka soo qayb galeyaashii kulankaasi, oo ka kala socday wasaaradda Deegaanka Somaliland, xubno ka socday wasaarradaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka, iyo saraakiil ka socday haayadaha caalamiga.

Agaasimaha CCF ayaa ku baaqday in si adag looga wada shaqeeyo joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka, isla markaana dadka xoolo dhaqatadda ah lagu tababarro sidii ay u wada noolaan lahaayeen duurjoogta. “Dhammaantiin waxaad tihiin bah-wadaagta ilaalinta duur joogta. Aad ayaan ugu farax sanahay inaan helno xubno ka tirsan wasaaradda deegaanka, iyo isbeddelka cimilada Somaliland, waxaan sidoo kale aad ugu faraxsannahay inaan helno saxiibo diblomaasiyadeed oo badan oo dalka ku sugan, iyo sidoo kale qaar badan oo ka mid ah bah-wadaagta NGO-yada.

Waxaan soo jeedinayaa in si adag looga wada shaqeeyo, oo la caawiyo bulshadda xoolo dhaqatadda ah, iyo sidoo kale deegaanka, oo dadka lagu tabaabaro sidii ay u wada noolaan lahaayeen duurjoogta. Sababta aan halkan u joogno ayaa ah in dalka uu ka jiro dhibaatooyin badan oo Harimacadku lagu hayo, oo ay ka mid tahay in si sharci darro ah loo dhoofiyo. Iyadoona ay jirto in Haramcadku uu yahay mid ka mid ah noocyada ugu khatarta badan ee xayawaanadda adduunka. Waxaanan doonaynaa in aan falalkan bilawga ah si aan u joojino ka ganacsiga Harimacadka.

Intaa waxaa dheer, ganacsigaasi wuxuu leeyahay dhinacyo badan oo ku xeeran khasaaraha, iyo sharciyo ka dibna ka shaqeeya la-hawl-galeyaasha. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in baarlamaanka la hor geeyo, sharciga ilaalinta duur joogta, si looga wada shaqeeyo joojinta arrinkaasi. Haddaba haddaynaan la shaqayn bulshooyinka uu dhulkoodda ku nool yahay Harimacadku. Waxaan”ayay tidhi agaasimaha haayadda Cheetah Conservation Fund.

Laurie Marker, waxa kaloo ay sheegtay in ay ogaadeen inuu jiro xidhiidh aad u weyn oo ka dhexeeya iska-horimaadyada aadanaha gaar ahaana dadka xoolo dhaqatadda ah, iyo duurjoogta iyo ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta. Sidaas darteed na, ay si wada jir ah u bilaabeen iyagoo kaashanaya haayado caalami ah, barnaamijyo tababaro ah oo loogu yeedhno barnaamijka mustaqbalka beeralayda Afrika.

Waxa kaloo ay sheegtay agaasimaha CCF, in ay taageero weyn ka haystaan dawladda Taiwan, oo kala shaqaynaysa dhismaha xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, kaas oo noqon doona beerta qaranka waanu ka shaqaynaynaa hadda. Waxaanay tidhi, “Waxaanu ogaanay inuu jiro xidhiidh aad u weyn oo ka dhexeeya iska-horimaadyada aadanaha gaar ahaana dadka xoolo dhaqatadda ah, iyo duurjoogta iyo ganacsiga sharci darrada ah ee duurjoogta. Sidaa darteed, waxaanu si wada jir ah u bilawnay barnaamijyo tababaro ah, oo aan ugu yeedhno barnaamijka mustaqbalka beeralayda Afrika.

Waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo, in haayaddo kala duwan ee aanu ka wada shaqaynay hawlahani, oo ay ugu horeyso DEFRA, iyo UK.  Waxa kaloo aanu taageero weyn ka haysanaa dawladda Taiwan, oo aanu hore u wada bilawnay barnaamijyo tababarro ah, oo ku saabsan hanaanka looga shaqaynayo xarunta xanaanaynta duur joogta ee Geed-deeble, kaas oo noqon doona beerta qaranka waanu ka shaqaynaynaa hadda.

Waxaanu goobo bad-baado ah oo ku yaalla Hargaysa, aanu ku haynaa in ka badan 90-ka Haramcad. Markaa waxaanu u dhisaynaa xarun lagu xanaaneeyo duur joogta, gaar ahaana Harimacadka. Waxaanu u guuri doonaa xaruntaasi xanaanaynta xayawaanka dhawrka bilood ee soo socda”.

“Aqoon-is-weydaarsigani waxa uu ka dhashay shaqadii aanu ka wada shaqaynay haayadda International Union for Conservation of Nature (IUCN), oo ah ururka ilaalinta duur joogta adduunka, oo qayb ka ah, kooxihii Somaliland ilaa Namibia iyo Kenya, aanu hawlaha ka soo wada fulinay. Haayadda IUCN, waxay doonaysaa in ay naga caawiso, oo aanu helno khabiirro, si ay u horumariyaan barnaamijyada maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee ku salaysan bulshadda. Waxaa jira taageero badan oo aanu ka haysano haayado aanu shaqada si wada jir ah u qabano, kuwaasoo ay ka mid tahay EU iyo WHH, waxaanay  nagala shaqeeyaan sidii aanu u joojin lahayn ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka. Waxaan u malaynayaa inay kuwa ugu waaweyn yihiin”.

Geesta kale agaasimaha haayadda CCF, waxay ka warbixisay barnaamijyadda wax lagaga qabanayo joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka, waxaanay tidhi “Waxa kaloo aan rabaa in aan idiin sheego, xaqiiqda ah in aan hayno la-hawlgalayaasheenna caalami ahaan, dalka oo ka wada shaqeynaya in ay isku dayaan in ay caawiyaan dhammaanteen si aan u wada shaqeyno, oo aan u caawinno badbaadinta duurjoogta. Deegaankeena ayaa qayb muhiim ah ka ah kuwan.

Aad iyo aad baan ugu han-weynahay maanta in ay nala joogaan laba ka mid ah haayadahaasi. Waxaan u malaynayaa badiba fududeeyayaasha muhiimka ah, iyo horumarinta barnaamijyada kheyraadka dabiiciga ah ee bulshada ku salaysan ee adduunka, ka na imanaya Namibia. Sida aad ogtahay waxaan aad ugu diirsaday waddankaasi, oo aan ka qaatay dhalasho muddo hadda laga joogo 35 sano, oo aan si buuxda ugu soo guuray Namibia, kadib na aan uga soo gudbay Somaliland, halkaas oo aanu isku dayeyno in aanu ku caawino samaynta qaar ka mid ah soo noq-noqoshada dhoofinta sharci darrada ah ee Harimacadka”.

“Markaa NGO-yada la-hawl-galeyaasha ahi, waxay ku siinayaan dulmar ku saabsan halka aan ka bilownay Namibia 30 sano ka hor, iyo in haayadda VIYEST ay la wadaagto Kenya, shaqadii ay la qabatay dawladda Danish-ka iyo barnaamijyada kheyraadka dabiiciga ah ee saldhigga bulshadda. Qaar badan oo naga mid ah ayaa ku dhaygagay kan Namibia, marka aad baan ugu farax sanahay in shaqadayadu ay idiin keento kooxo, iyo in aan dhammaantiin idin kala shaqayno sidii aad u horumarin lahaydeen aragtidiinna. Waxaan rajaynayaa in ay is-bedel u keeni doonto nolosha duurjoogta gaar ahaana Harimacadka. Sidoo kale waxay keenaysaa dhaqaale abuur, iyo horumar, wax weyn u tari doona nolol-maalmeedka iyo dadka iyo dalkaba.

Dhamaantiin waan idiinka mahad celinaynaa in aad ka soo qayb gashaan shirkani. Waxaanan filayaa inay keeni doonto, ama ay noqon doonto xidhiidh wada shaqayneed oo cajiib ah. Waxaan halkan ku leenahay iskuduwayaal badan oo ka socda MOCC, taasina waxay ku noqon doontaa wax cajiib ah inay isticmaalaan wada shaqayntayada la-hawl-galeyaasha NGO-yada, ee ka shaqeeya aaggan. Sidoo kale waxaan si wada jir ah iskaga kaashan doonaa, si aan u wadaagno aragtideena, oo aan hore u sii wadno” ayay tidhi agaasimaha haayadda CCF.