Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Shirweynaha 11-aad ee Dhaqaalaha Islaamiga ee Afrika

0
140

Waan ammaanayaa dhammaan bahda dhaqaalaha,  qaranku wuxuu garab taagan yahay Baananka, Baanankuna waxa ay garab taagan yihiin qarankooda.”

 

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay furay shirweynaha 11-aad ee Hab-xisaabeedka Islaamiga ah ee Afrika (African Islamic Finance Summit) oo sannadkan 2024-ka ay marti-gelisay caasimadda Hargeysa.

Shirweynahan oo ay ka qaybgaleen madax caalami ah oo ka socota in ka badan Dhawr iyo Toban ka mid ah  dalalka caalamka ee ku xeel-dheer dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, hormuudka Hay’adda caymiska Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaanka ururka ay ku midaysan yihiin Bangiyada Somaliland, madax ka socota hay’adaha dhinaca maaliyadda oo ka socday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Masar iyo khubaro kala duwan oo ka socotay baananka madaxa bannaan ee ka jira gudaha dalka Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay inay Somaliland ka faa’iidaysato khibradda dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah ee ay leeyihiin hay’adaha iyo khubarada caalamiga ah ee shirkan qaybta ka ahi.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu shirkani leeyahay iyo sida uu wax weyn uga tarayo kaalinta ay Baananka Islaamiga ahi ku leeyihiin horumarka iyo la dagaallanka Faqriga.

Agaasimaha xarunta Al-huda Islamic Banking and Economics, Mr. Muhamed Subeir Mughal iyo guddoomiyaha ururka ay ku bahaysan yihiin Baanka gudaha Somaliland, Mudane Khaliif Cumar Nuur oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadiyey shirkan 11-aad ee lagu qabtay Hargeysa, waxana ay si cad u sheegeen inuu shirkani wax badan ka tari doono koboca dhaqaalaha Islaamiga ah ee ka jira gudaha Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Guuleed Muuse Galaal, ayaa madasha Daah-furka ka jeediyey khudbad diiradda saaraysa muhiimadda caymisku leeyahay iyo kaalinta xukuumadda ee la xidhiidha sidii dalka looga hirgelin lahaa caymiska, maaddaama oo shuruucdiisii la dhamaystiray.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa soo dhaweeyey wufuudda iyo khubarada caalamiga ah ee kasoo qaybgashay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha Islaamiga ah, waxana uu xusay inay Somaliland u tahay fursad weyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka daah-furay, ayaa bogaadiyey shirkan muhiimka ah ee Somaliland nasiibka u heshay, waxana uu si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey khubarada caalamiga ah ee shirka uga soo safray dalalka kala duwan ee caalamka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ammaanay dhammaanba bahda culuumta dhaqaalaha ku xeesha dheer leh, isaga oo sheegay in qaranka iyo baananka kala duwan ee culuumta maaliyadda ka shaqeeyaa is garab taagan yihiin, waxana uu yidhi, “Waan ku ammaanayaa dhammaan bahda dhaqaalaha ka shaqaysa, haddii ay tahay ta gaarka loo leeyahay iyo ta dawliga ahba, qaranku wuxuu garab taagan yahay Baananka, Baanankuna waxa ay garab taagan yihiin qarankooda.”