Agaasimaha Caafimaadka oo Kormeeray Xarumaha Caafimaadka Saraar

0
68

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo safar shaqo ku marayay qaar ka mid ah gobollada berriga ayaa gaadhay magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar.

Waxa ay kormeer iyo indho indhayn uu ku soo maray Cusbitaalada Caynaba iyo Oog, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaadka ee gobolka Saraar.

Agaasimaha guud Maxamed Cabdi Xargeeye waxa kormeerka ku wehelinayay, Badhasaabka gobolka Saraar, Maxamed Cismaan Axmed iyo madaxa xogta caafimaadka Gobolka Saraar, Cabdilaahi Faarax Jaamac, ayaa soo kormeeray Cusbitaalada Caynaba iyo Oog, isagoo agaasimuhu mid mid u soo maray qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin cusbitaaladu, kulamo kala duwana la qaatay shaqaalaha iyo maamulka Caafimaadka ee gobolka Saraar.

Agaasimaha ayaa dhanka kale soo kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka ee Caynaba iyo Oog, iyo Mashaariicda Caafimaadka ee ay Wasaaraddu ka wado Gobolka Saraar.