Ganacsiga Dharka Iyo Kabaha Maydka Ah!

0
62

Shirkadda Ingiriiska ah ee British Hyman Leather waxa ay ka ganacsataa badeecooyin yaab leh oo aad qaali u ah. Shirkaddan ayaa Kabaha qiimaha ay ku iibisaa yahay $ 27000 halka beer.ย  Boorsada ama shandad waxa lagu iibiya $ 14000. Haddabaย  Waa maxay sababta ay sidaasi qaaliga uga yihiin kabahani?

Kabhan ayaa la sheegay in laga sameeyo maqaarka qofka baniiโ€™aadamka 100%, saafi ah oo aan waxba lagu khaldin.ย  Shirkaddan Ingiriiska ayaa dadka inta ay nool yihiin ee aanay dhiman heshiis la gasha waxaaana ay ka iibsataa maqaarkiisa ka hor dhimashadiisa, iyadoo la gasha heshiis sharci ay ka dhigaan oo isagana lacagtiisa lagu siinayo.

Qofkaasi marka uu dhinto waxa wakiiladiisu keenaan qolka meydka ee shirkadda halkaas oo dhakhaatiirta meydka ee shirkaddu hawshooda ku qabsadaan, intaasi ka dib meydka mar labaad waxa loo dhiiba ehelkiisa isagoo sanduuqa ku xidhan si ay u aasaan.

Shirkaddani ma iibiso oo keliya kabo ka samaysan maqaarka dadka, laakiin waxa ay ka ganacsataa koodhadh, Shaadhadh, surwaalo, suuman iyo koofiyado, dhammaantood ka samaysan maqaarka Aadamiga dabiiciga ah 100% ooi aad qaali u ah. Macmiisha Shirkadda ayaa ah dadka maalqabeenka ah, dadka caanka ah iyo kuwa habeen iyo maalin ku baaqaya ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo qiyamka wanaagsan, kuwaasi oo xataa iskadhaaf qof nool xuquuqda maydka aan is difaaci Karin ku xadgudbaya